Macalin Gaadhay Maakhir University (SWR).
C/qadir Khalif nd Prof Arnold
Jaamacada curdinka ah ee umada Soomaaliyeed ee Maakhir University (MU) ayaa waxa ay ku soconaysaa dar dar xoog leh tan iyo markii ay uguntadeen bulshada Maakhir aayo katalinta iyo badbaadinta jiilasha Maakhir.
Jaamacada Maakhir oo ku taala degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa bil ka hor xadhiga laga jiray iyadoo lagu bilaabay 120 arday oo ah kuwii ugu horeeyey ee jaamacada Maakhir University (MU) Lagu furay.
Prof: Arnold Shiyenji waa aqoonyahan udhashay wadanka Kenya oo kasoo shaqeeyey college-yo iyo Institution- kala duwan oo ku yaal wadanka Kenya, saaka hiirtii waaberi ayuu ka duulay Gegiga dayuuradaha ee Joma Kenyatta AirpoRt, ka gadaal markii uu shaqo hellay Jaamacada Maakhir University ee Degmada Badhan
Prof Shinyenji ayaa la filayaa in uu ka qaybqaato koorsooyinka gundhiga jaamacada ee ardayda bilowga ah. Professor-ka ayaa saaka waxaa ku sii sagootiyey Airport-iga xubno ka tirsan jaaliyada Maakhir iyo Golaha Barbaarta Maakhir.
Prof Shinyeni wuxuu gaadhay Magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari duhurnimadii maanta halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen xubno ka tirsan Jaamacada oo u hogaaminayey agaasimaha jaamacada Maakhir Eng Sekeriya Xaaji Siciid Cismaan.
http://galgalanews.com/?p=7764





