Sh Xassan daahir aweys Officially Joins Alshabaab
Posted: Sun Dec 19, 2010 11:11 am
Xasan Daahir iyo ururkiisa Xisbul Islaam oo ku biiray Al Shabaab.
Muqdisho:( Sh. M. Network) Sida Idaacada Shabelle ay u xaqiijiyeemn Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam waxaa la filayaa in caawa duleedka Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Munaasabad balaaran oo uu Sheekh Xasan Daahir Aweys ku cadeynayo in isaga iyo ciidamadiisa ay ku biireen Xarakada Al Shabaab.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Gudoomiyiha Ururka Xisbul Islaam goobtaasi uu ka sheegi doono in wixii caawa laga bilaabo ay ka midyihiin dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabaab ayaa durba ka dalbaday ururka Xisbul Islaam in ay ciidamadooda ka saaraan farumaha hore ee dagaalka ilaa amar ay ka halaan Xarakada Al Shabaab.
Wararka Caawa ay heleyso Shabelle ayaa sheegay in durba ciidamada Xarakada AL Shabaab ay la wareegeen fariisimihii Ciidamada Xisbul Islaam ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Caawa deegaanka Ceelasha biyaha ay gaareen ciidamo farabadan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi iyo deegaano badan oo ay horay u maamulayeen xisbul Islaam.
Wixii warar ah ee ku soo kordhaa Munaasabada ay ku midoobayaan Shabaab iyo Xisbiga kala soco Shabelle.net hadii uu Illaah Inoo saamaxo.
source shabelle.net