Page 1 of 1

Apostate group removes isbaaro business of their brethren

Posted: Wed Dec 22, 2010 5:38 pm
by AhlulbaytSoldier
Shabaab oo qaaday isbaarooyinkii Xisbiga ee duleedka Muqdisho

Ceelasha biyaha: (Sh. M. Networ) Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa maanta qaaday dhowr isbaaro oo horay Xisbul Islaam ay ugu lahaayeen inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wararka laga helayo degaanada Siinka dheer, Carbiska iyo Baar-Ismaaciil oo ka mid ahaa meelo Jakboontiyo ay u yaaleen Ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegay in maanta gabi ahaamba halkasi laga qaaday isbaarooyinkii ay ku lahaayeen Ciidamada Xisbul Islaam islamarkaana ay gaadiidka lacagaha uga qaadi jireen.

Ciidamada Xisbul Islaam ayaa deegaanadaasi waxaa ay kaga qaadi jireen gaadiidka Bl-ka lacago gaaraya 60 kun oo shilinka Soomaaliga ah, waxaana la sheegay in goobahaasi ay iminka ku sugan yihiin ciidamo taabacsan Xarakada AL Shabaab sida uu Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah darwalada isticmaasha wadadaasi.

Sidoo kale wadahaani waxaa uu sheegay in lacagaha ay ugu qaadi jireen Xibsul Islaam in lagu dhisayo wadooyinka bur bursan ee ku yaala deeganada loo barkacay ee duleedka magaalada Muqdsiho.

Galinkii dambe shalay ayay aheeyd markii kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab iyo Ururkii Xisbu Islaam uu ka dhacay degmada Afgooye kaasi oo lagu go’aamiyay in Xisbul Islaam deegaanada ay ka tilin jireen iyo hubkooda ay ku wareejiyaan Al Shabaab.