
Jimco, 24 December, 2010 (HOL) – Saraakiil kala matalayay Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo midoobay ayaa sheegay markii ugu horreysay Khamiistii shalay inay go'aanasdeen inay midoobaan, iyagoo sheegay in ujeedadoodu ay tahay inay awooddooda meel isugu geeyaan, sannadkanna uu yahay sannadkii midowga.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) iyo madaxii warfaafinta ee ururkii Xisbul Islaam oo ku biiray Xarrakatul Shabaab Sheekh C/fitaax Cali, ayaa arrintan kaga dhawaaqay shir jaraa'id oo ay wadajir ugu qabteen Muqdisho.
"Maanta, waxaan ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyeed, inaan mideynay awooddeennii ciidan iyo fikirkeennii, aana diyaar u nahay inaan xoojinno dagaalka aan kula jirno cadowga Alle," ayuu yiri Sheekh C/fitaax.
Sidoo kale, Sheekh C/fitaax wuxuu sheegay in ururkii Xisbul Islaam uu u tanaasulay walaalahood Xarrakatul Shabaab, ayna arrintu ahayd mid muddo dheer laga soo shaqeynayay, isagoo xusay inay qodobbo badan ku heshiiyeen.
"Qodobbada, aan ku heshiinnay, waxaa ka mid ah in la mideeyo safka mujaahidiinta, in la xoreeyo dhulalka Islaamka, in maxaabiista muslimiinta ah ee dibadaha ku xiran la sii daayo, in Soomaaliya laga saaro cadowga iyo qodobbo kale," ayuu ku sheegay Sheekh C/fitaax bayaan ay si wadajir ah u soo saareen.
Afhayeenka Xarraakatul Shabaab, oo isaguna hadal ka jeediyay shirka jar'aaid, isagoo ku hadlayay afka carabiga ayaa sheegay in mujaahidiintii Soomaaliya ay qaateen magac qura, ayna mideeyeen fikirka iyo awoodda. Wuxuuna ku hanjabay inay xoojin doonnaa dagaallada.
"Waxaan u sheegaynaa walaalaheenna mujhaahidiinta ah ee ku sugan Bakistaan, Afgaanistaan Falastiin, Yemen, Ciraaq iyo calaamka oo dhan inaan ku midownay hal magac oo ah Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu intaas ku daray: "Laga billaabo maanta, waxaan isku geynay xooggeenna, si aan u laba-laabno dagaallada aan kula jirno shisheeyaha nagu soo duulay."
Toddobaadkan, ayay Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ahaa kooxo dagaal mid ah kula jiray dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM, iyadoo markaan ay noqonayso markii ugu horreysay oo saraakiil labadan dhinac ka tirsan ay sheegaan inay midoobeen.
Goobta lagu qabtay shirka jaraa'id, ayaan waxaa ku sugnayn Sheekh Xasan Daahir Aweys oo guddoomiye u ahaa Xisbul Islaam iyo saraakiisha sarsare ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, inkastoo xubnaha shirka jaraa'id qabtay ay sheegeen in la qaban doono kulammo kale oo midkan ka waaweyn.





