Ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopian ah oo ku dagaalamay Jawiil.
Jawiil: (Sh. M. Network) Dagaal mudo kooban socday islamarkaana sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ethiopian ah waxaa uu ku dhexmaray degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan.
Sida ay sheegayaan wararka Caawa Shabelle ay ka haleyso degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Ethiopianka ee ku sugan degmadaasi ay xireen sargaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kula sugnaa degmadaasi taasi oo keentay inay ka caroodaan askara dowladda KMG.
Intaasi kadib ayaa la sheegay in ciidamada dowladda KMG ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmadaasi Jawiil iyadoo halkaasina uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia.
Inta la ogyahay dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyadoo sidoo kalana uu ku dhaawacmay qof oo rayid ah kaasi oo la sheegay inay haleeshay rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen.
Xaaladda degmada Jawiil ayaa haatan degan, waxaana wararka laga helayo degmadaasi ay sheegayaan in degmada ay isaga baxeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net