And What Not Better place to annouce it....

GAROOWE: Madaxweyne Faroole oo sheegay in ay Puntland qaban doonto Shir wayne nabadeed.
Posted to the Web Dec 31, 14:25
GAROOWE(PP):-Xaflad heer Caalami ah ayaa lagu soo geba gebagebeeyey Tartankii 18-ka Gobolka ee Ciyaaraha Gobollada uga socday Garoonka wayn ee Mire Aware Stadium.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan n sheikh Maxamed Maxamuud faroole oo goob joog ahaa ayaa halkaas ka soo jeediyey khudbad Cajiib ah oo qiira gelisay dadkii kumanaan Kun gaarayey ee Garoonka joogay.
Markii ay soo dhamaatay Ciyaartii xiisa lahayd ee u dhexeysa xulka Gobolka bari iyo weliba xulka Gobolka banaadir oo Guushu raacday ayaa Madaxweynaha waxaa uu khudbad ay dhegaysanayeen dadkii Goobta joogay uu ka jeediyey Qaybta VIP-da ee Garoonka mire Awaare.
Madaxweynaha Waxaa uu ka hadlay arimo ka mid Tahay soo xiritaanka Tartanka Ciyaaraha Gobollada dalka oo uu sheegay in uu ahaa mid ay si wayn uga qayb qaateen dhamaan xulalka soomaaliyeed islamarkaasna ay Puntland markasta ka daalayn sidii ay u raadin lahayd qaranimo soomaliyeed ay sii wadi doonto Tartanada noocan oo kale iyo sidii ay umada soomaliyeed isugu imaan lahaayeen goob caynkan oo kale ah.
Faroole oo ka hadlay u jeedooyinka ay Puntland ka lahayd Tartankaan ayaa sheegay in ay Guulo waa-wayn Gaadheen islamarkaasna ay u rumowday riyadii ahayd dib u soo celinta nabadii iyo is dhex galkii bulshada soomaaliyeed Taasi oo uu sheegay in ay haatan si toos ah u Bilaabatay.
Dhanka kale Madaxweynaha oo jeedinayey khudbad qiiro leh ayaa waxaa uu yiri ‘ Puntland waxay Noqonaysaa horsedka dib u soo celinta nabada dalka’ iyo qaranimada soomaliyeed Madaxweynaha ayaa sidaasi sheegay.
Madaxwaynaha Puntland ayaa umada soomaliyeed baaq u jeediyey isaga oo ugu baaqay in ay isku toobad keenaan si loogu gudbo marxalada haatan taagan hase yeeshee waxaa uu khudbadiisa ku daray in ay Puntland tahay goob nabad iyo kala dambayni ka jirto qofkasta oo soomaaliyeedna ay u tahay hoyga nabada, hadaba shacabka soomaliyeed ee kala maqnaa mudo 25 sano ah ayaa maanta dib u xasuustay qiimaha ay leedahay nabadu waxaana marti sharftii ka kala socday gobalada dalka soomaliya ay u mahad celiyeen Madaxwaynaha Puntland iyo shacabkiisa oo ay ku tilmaameen in uu yahay halyey soomaliyeed ee markasa jecyl in ay soomaliya mar xasiyo.
Waxaa kaloo uu Madaxdii iyo bulshada Goobta joogtay ka hor sheegay in sanada Cusub Puntland lagu qaban doono shir balaadhan oo lagu doonayo dib u soo celinta nabadaynta Somaliyeed Puntlandna ay markasta diyaar u tahay in ay raadiso sidii dalka soomaliya ay uga dhalan lahayd dowlada qaran horayna ay u soo qabatay shirar xal loogu raadinayo marxalada maanta ka taagana dalka soomaliya gaar ahaan koofurta somaliya gaar ahaan shirkii haweenka soomaliyeed ay isugu yimaadeen magaala madaxda Puntland ee garoowe.
Shacabka Puntland ee Meesha joogay ayaa waxay Madaxweynaha hadalkisa la horeenayeen sacabka iyagoo muujinayey qiimaha khudbada Madaxweynaha isla markaasna dadku ay si wayn ugu dhegtaagayeen.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland inaas kadib waxaa uu Gudoon siiyey Ciyaartowdii Guulaysatay koobkii loo dhigay 15-ka Gobol ee Somalia.
Siciid C/salaam Siciid
Wakiilka Puntlandpost-Puntland
E-mail loole15@hotmail.com




