Who said the tfg will be over soon
Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo wareysi siinayay idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya ay mareyso maanta, gaar ahaan dagaalada ay dowladiisu kula jirto kooxaha ururka Al-Shabaab iyo dagaalyahanada shisheeye ee ururka Al-Qaacida, sidoo kale waxa uu ka hadlay Madaxweyne Shariif dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, khilaafka hareeyay xukuumadiisa, muranka baarlamaanka ee joogtada noqday, caqabadaha dowladda ka hortaagan inay horumar ka gaarto magaalada Muqdisho iyo arrimo kale.
Isagoo ka jawaabayay Madaxweyne Shariif su'aalo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda dalalka Nairobi iyo Jabuuti laguna doonayo in lagu abaabulo dowladda ka dambeysa xukuumadiisa, waxa uuna sheegay in mar kastaba ay Soomaalida caado u tahay ka fiirsasho la'aan waxa ay sameynayaan, wuxuuna ku booriyay xubnaha ku lugta leh arrimahaasi inay la shaqeeyaan dowladda wadanka ka jirta.
"
Ma jiro sharci tilmaamaya mudada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka uu xilkoodu ku dhammaanayo, waxaana meesha ka baxay hadaladii horay u sheegi jireen qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka" ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in mar kasta damaca siyaasadeed ay caado u leeyihiin siyaasiyiinta Soomaalida.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Shariif in dowladiisu aanay mar walba ka daalin sidii u joojin lahayn dhiigga shacabka Soomaaliyeed ka daadanaya iyo dagaalada dalka ka dhacaya, hase yeeshee isagoo ka hadlayay midowga ururada Xisbiga iyo Al-Shabaab waxa uu sheegay in haddii ay midoobaan iyo haddii ay kala tagaan markii horeba dowladda la dagaalamyeen, waxa uuna ku booriyay dhallinyarada mustaqbalkooda ku luminaya dagaalada iyo inay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed inay ka waantoobaan arrintaasi.
"Markaan waxaa isugu soo haray Shabaab iyo Al-Qaacida, waxaana rajeynayaa sanadka cusub inay wax badan noo qabsoomaan" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo dhinaca kale shegay in ciidamada dowladda KMG ah ay maanta yihiin kuwo tayadoodu aad sareyso, isla markaasina diyaar u ah inay dalkoda, dadkooda iyo diintoodaba ka difaacaan kooxaha hororka ah ee dhibaatada ka wada gudaha dalka Soomaaliya.
"Aad ayaan u soo dhoweynayaa dadaalada beesha caalamka ay ku dooneyso in Soomaaliya qaranimadeeda iyo dowladnimeeda dib u soo ceshato" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay inuu aad u soo dhoweynayo kordhinta ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay gutaan waajibaadka ka saaran sidii dalka Soomaaliya nabadeedii dib ugu soo noqon lahayd.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda KMG ah oo ka hadlayay waxyaaqbihii u qabsoomay sanadkii la soo dhaafay ee 2010-ka ayaa sheegay in xukuumadiisu ay qabatay intii ay awoodi kartay, "Waxaan rajeynayaa in sanadka cusub inay noo qabsoomaan wax badan" ayuuna yiri Madaxweyne Shariif.