Culumad Soomaliyeed Caaydeeda dowlad Islaami ah malagu dhisi Karaa?
Aniga Saciid Afisoone waxaan aaminsanahay in laga saaro Amisom si kasto dhulka somaliya loogu saari karo. Culumada arintaas wey igu khilaafi karaan weyna diidi karaan maadaama la iga waaya aragsanyahay la igana badiyo xoogaa siyaasada iyo maxaa dhici karo. Taasi makeeni karto inaa caayo culumada maadama ee dhibaato keeni karto. Haa hadii aad taqaanid sheikha oo aad ku taqaanid baqiilnimo iyo saxiibtinimo gooni ah ee laleeyihiin cadowga wadankaaga. dan Allah ayaa ku baneeyay inaa caaysid maxaa yeelay waa cadowgaaga ma aha culumo qofkaas.<!--moreSiiAkhri-->
Laakiin ma fiicno inaa fadeexeeno culumada somaliyeed oo qaarkood 30 sano diinta faafinaayay, qaarkood ayagoo dhalinyaro ah diin faafis bilaabay oo hada dhowr iyo toban sano diin faafis ku jiray in lagu khilaafo arin ee usoo jeediyeen shacabka Somaaliyeed ma haboona. Waxaa fiican in culumada fikirkooda la dhageeysto waxaa laga yaabaa inaa hog aan ku jirnay aan kasoo baxno. Culumada fikirkooda waa in la cabiraa oo la dhageeystaa oo la fiiriyaa waxyaalaha ee aaminsanyihiin iyo daliilaha ee u heeystaan.
Markii uu Sheikh Cumar Faruuq dhahay dowlada hala raaco, Aniga shaqsiyan labo mid waaye ayaan is dhahay.
1. Waxaan isdhahay sheikha naftiisa ayuu u cabsadey oo arintaan wuu laqdabeenaaye ee quluubtiisa wax kale ayaa ku jira.
2. Waxaa dhahay waa careeysanyahay mararka qaarkood qofkoo careeysan ayuu wax kasto iska dhihi karaa asagoo is ogeen.
Laakiin marnaba isma dhihin dowlada Sheikh Shariif raacitaankeeda ayaa nabad keeneeyso ayuu ku fakaraa Sheikh Cumar Faaruuq. Culumada Qaarkooda diinta wey yaqaanaan laakiin habka dagaalka ama historiga dagaaladii soo dhacay mey baran sidaas ayaana ugu cudur daaray sheikhaan ween ee caalimka ah ee diinta in badan soo falanqeeynaaye.
Wuxuuna sheikhaas aqoon u laheen inaa aqaano ayaa laga yaaba. Tusaale hadaa ni siiyo raacitaanka dowlada sheikh shariif waxey keeneeysaa in shay cusub loo hogaansamo taaso caqliga yaanyuurta xataa keeneeynin. Laakiin sheikh Cumar Faruuq maslaxo ayuu kawadey wuxuu u arkey dhalinyaradaan dadka kacanta iyo lugta kajeereeyso ayagoona u heeynin marqaati iyo dhibane(victim) in laga soo hoorjeesto.
Culumada qaarkood waxey dhaheen qeyrkee qabanayaan ayaa ka badan shartee hayaan. Waxaan culumadaas dhihi lahaa Alshabaab shartey hayaan waa bidco. "WAA KULA BIDCATAN DALAALAH", WA KULA DALAALATAN FIN- NAAR". bal taas kajawaaba. Jihaad ayaan ku jirnaa. Waxaan rabnaa inaa islaam dhisno. barito cunug ciyaal suuq ah oo laga yaabo caqli xum iyo dhalinyaranimo dadka dhaqax tuura ama waxyeelo kale ha suubiyo intee soo qabtaan ayagoona u haynin (victim) ka cabanaayo shaqsigaas inee kacan iyo lug is dhaaf ah gooyaan arintaas waa raxmad la'aan. arintaas mooryaan wax dili jiray lee suubiyo ee nin salaad tukto masuubin arintaan. Hadee salaad tuktaan waa salaad aana naxariis ku jirin.
Ninka Muslimka ah xataa qof gaal ah lasoo qabtay waa inuu ku fakaraa siduu u daan lahaa, laakiin alshabaab weeba kusoo kala ordayaan sidee u dili lahaayeen.
Waxaa maqli jiray jeceelada raga iyo dumarka ee qaarkood isku qaadaan waa violent. Waxaa arkeysaa nin qabar buu aad u jeclaadey telephonka ayee hal mar ka qaban weeyday, markaasuu intuu u imaado kabadha buu dharbaxaasho kala daalaa. waxaa la dhahaa "blind love" qofkii wuu jecelyahay kabadha. wuu rabaa kabadhaas laakiin waa jaceel aana raxmad laheen... Waa sidaas Alshabaab.. Islaamkii wey rabaan. qofkii ee u arkaan inuu qaldanyahay wey ku soo ordayaan ama lug ha gooyaan ama ha tumaan ama hagaaleeysiiyaan. Laakiin xaqiiqdii "psychologically", hadaa u fiirisid waxay niyada ka rabaan iyo ficiladooda isma laha. Waa Hami wey yihiin, Raxmad bey Allah ka sugayaan, ayagana dadkii raxmada ka sugaayay sidee doonaan ayee kayeelayeen.
Ugu dambeeyntii, waxaan ugu talin lahaa raga jecel inee islaam laga dhiso wadankooda 4 shay inee iga qaataan anigaan Saciid Afisoone ah....
1. Hadilina qofna ilaa afar marqaati u heshaan.. Xataa haduu qirto hana weydiinina inuu wax soo dilay maxaad nigu kalifay inaa weydiisaan inuu wax soo dilay. Maxaad u jeceshihiin inaad wax kasto ogaataan. Mase waad kibirteen markii uu ilaahay irdaha nii furay yaa....
2. Hasoo xirinina qof aan laga soo dacwoonin... Dadka waa inee ogyihiin inaada qaban karin ilaa dhib laga soo sheegto ama fadeexo aad markaas ku aragtaan. Qofka iska qabo ma aha... lug iyo kacan iska gooy ma ahan. Kitaab ayaa laguu fiirinaa ma aha arintaas... Maxaa yeelay qofkii aan laga soo dacwoon hadii aad soo qabataan idinkaa qaldan xataa haduu yahay nin dambiila ah. Maxaa yeelay meesha waa in uu joogo qof wax kasoo dacwooday ama (victim person). Allah ugu baqa dadka oo ha cabsi galinina dadka nila nool.
3. Dadka waa xan badanyihiin, Somalida xan ayee ehel u ah. Uga diga maalin kasto arintaas waa hadee rabaan nolol fiican iyo roob aan dhamaaneeynin. OO ka hadla waxyaalaha ee qoomkaan ku halaagsameen sida qabyaalada iyo xanta iyo wixii la mid ah.
4. Ha isqarixina walaahi ninkii dab intuu gaari qaato isku qarxiya asagoo rabo inuu wax laayo ha ogaado dabkaas inuu kujirtoono waligiis.... Wa bidco Waa arin idinka quruxsateen. Waxaa maqasheen nin baa doon la riday ama quusiyay gaalo. Taaso waa dagaal xaq ah. hadii cadowga meel isku imaataan ama dhul ha ahaado ama gaari ha ahaado ama baad ahaado waad isgaleeysaan so ma aha. Laakiin waa soo labisanaa oo qaarigeeyga soo qaadanaa waxaan usoo anbabaxaa inaa iskugubo sidaan allah u raali galiyo ama muslimiin ka farxiyo arintaas ma dhaceeyso. Maxaa yeelay Allah ma farax galiyo waxaan Nabi Muxamad horay u sameenin iyo saxaabadiisa. Kibirka yareeya oo is ilaaliya... Walaahi maguuleeysaneeysaan hadii aad u aragtaan isqarxinta shay jihaadka kamid ah. Ha isdaalinina.
Waxaa qasaaray nin har iyo habeen jihaad u taagan oo u hoynaayo naarta jaxiima maxaa yeelay dadka wuxuu kacanta iyo lugta ka gooni jiray asagoona 4 marqaati iyo victim midna heeysaan.
Allah amarkiisa waa ku adagyahay. Wuu jecelyahay Allah qofkii ku adkaado Arimihii Allah iclaamay oo cadaalada ku saleeysan sida afarta marqaati iyo al-caynu-bil cayn.
Wabilaahi tawfiiq.



