Dagaal u dhaxeeyay Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay nawaaxiga Kismaayo
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaallo habeen hore ka dhacay deegaanka Kaam jaruun ee galbeedka magaalada Kismaayo kaas oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Shabaab iyo kuwo deegaanka oo ka dhiidhiyay dhibaatada ay maleeshiyaadka Shabaab ku hayaan dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in xoogiisu uu dhacay habeen hore iyo shalay, waxaana uu dagaalku bilowday kadib markii maleeshiyaadka deegaanka oo is abaabulay ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kam jaruun oo galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo,
waxaana halkaasi ku geeriyooday tiro Maleeshiyaad ah oo ka tirsan Shabaab, halka dhaawac aad u farabadana ay soo gaarsiiyeen Cisbitalka weyn ee magaalada Kismaayo, iyadoo xiligaasi ay Cisbitalka ka kala ceyriyeen dadkii halkaasi ku sugnaa si aaneey u arkin dhaawaca ay wadaan.
Warka ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyaadka Shabaab halkaasi lagaga gubay gaadiid dagaal oo farabadan, iyadoo maleeshiyaadka deegaanku ay la wareegeen gacan ku heynta goobtii dagaalku ka dhacay.
Warar kale ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay gelinkii danbe ee shalay weerar ku qaadeen deegaankii lagala wareegay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mar kale lagu soo jebiyay waxeyna ku soo laabteen Kismaayo.
Horjooge lagu magacaabo Xasan Yacquub ayaa la sheegay in dagaalkaasi uu hogaaminayay, kaas oo lagu xasuusto dhibaatooyin farabadan oo uu u geystay dadka deegaanka iyo faagida qubuuraha ay ku aasnaayeen Mashaa’iiqdii caanka ka aheyd dalkeena Soomaaliya.



