Muqdisho (RBC) Sheekh Mukhtaar Roobow Cali abu Mansuur oo maanta ka hadlay muxaadaro uu ku qabtay masjidka dabaqeyn ee bartamaha magaalada Baydhabo ayaa ka codsaday dadka reer Bay iyo Bakool inay ururka Al Shabaab ugu deeqaan dhalinyaro ka qeybqaadata dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.
Abu Mansuur oo ugu horeyn muxaadaradiisa diirada ku saaray isku biiristii Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ku tilmaamay guul ay gaareen xoogaga islaamiyiinta Soomaaliya, taasina ay wax u tareyso sii socoshada dagaalada ay kula jiraan DKMG Soomaaliya iyo ciidanka Amisom.
“Waa guul weyn oo ay gaareen mujaahidiinta u taagan dagaalka waana talaabo ay ka nexeen kuwo cadowgeena ah… waxaana u sheegayaa cadowga in dagaalkii weli dhaamin..”, ayuu yiri Sheekh abu Mansuur oo ka hadlayey muxaadarada maanta ka dhacday Baydhabo.
Abu Mansuur Wuxuu markale ku celiyey in dagaalada ay kula jiraan DKMG Soomaaliya iyo Amisom ay sii labanlaabi doonaan si buu yiri meesha looga saaro dowlada tabarta yare e ay ilaaliyaan ciidamada shisheeye.
“Mujaahidiinta iyo muhaajiriinta caalamka nooga timid waxaan u sheegayaa dagaalka waa sii xoogeystey, waxaana la rabaa dulqaad iyo sugnaasho. Waxaan leenahay cadowga waa tabaryar yahay ee aan inta dhimana tirtirno…” ayuu hadalkiisa ku daray isagoo dhanka kale ugu baaqay ciidamada Shabaab ee jooga Muqdisho inay dagaalada sii kordhiyaan.
Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Shacabka magaalada Bay iyo Bakool oo uu asal ahaan ka soo jeedo si gaar ah baaq ugu diray isagoo weydiistay inay dhalinyaro ku biiriyaan dagaalka lagula jiro DKMG iyo Amisom.
“Reer Baay iyo Bakool weligiin jihaadka waxaad u ahaydeen tiir hadana waxaa la idinka rabaa in inta hartay aad nala dhameystirtaan oo dhalinyarada… odayaasha iyo dhamaan dadka ay ka qeybgalaan jihaadka..”, ayuu yiri isagoo la hadlayey dafka reer Baay iyo Bakool.
Abu Manuusur wuxu intaa ku daray in sidoo kale ganacsatada iyo dadka hantiilayaasha ah looga baahan yahay in dhaqaale ay ku tabarucaan dadka dagaalka ku jira maadaama sida uu sheegay ay jiraan xaalado abaareed oo dalka ka jira hoosna u dhigay dakhligii soo gali jiray dadka.
Baaqan maanta ka soo axay Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah saraakiisha sare ee xarakada Shabaab ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu meel fagaare ah ka jeediyo tan iyo intii Xasan Daahir Aweys iyo ururkii Xisbul Islaam ku biireen Al Shabaab.
Waxaana dhanka kale hadalka Abu Mansuur qeyb ka yahay olole dagaalyahano cusub lagu soo ururinayo oo beryahan saraakiisha xarakada ku hawlanaayeen si ay dagaalo xoogan ugu qaadaan fariisimaha dowlada iyo kuwa Amisom ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio






