10-caruur oo haraad u dhintay Hobyo
Tiro caruur ah ayaa haraad ugu geeiyooday tuulooyin hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, xilli dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha gobolkaasi ku dhuftay ay sii xoogeysanayaan .
Illaa iyo 10-caruur ah ayaa haraad dartii ugu geeiyooday 24-saac ee la soo dhaafay tuulooyin hoos yimaada Hobyo.
Odayaasha dhaqanka Hobyo ayaa ganacsatada ugu baaqay in dadkaasi gacan u soo fadiyaan.
Waxa ay xuseen in ay ku adag tahay in dadka tuulooyinka biyo la gaarsiin karin wadooyinka oo bacaad ah ayna haysan gawaari u saamaxaya arintaas .
Gobolada dhexe ayaan helin wax roob ah muddo laba xili ah, iyadoo xoolo badan ay ku quur baxeen tuulooyinkaasi .
Waxaa xusid mudan in abaarta haatan ku dhufatay gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya ay yihiin kuwii ugu darnaa ee soo mara goboladaas



