Waxgaradka iyo odayaasha Ceel-garas oo cambaareeyay Shabaab
Ceel-garas: (Sh. M. Network) Waxgaradka iyo odyaasha deegaanka Ceel-garas ayaa waxa lagu xumaado ku tilmaamay fal shalay ciidamado ka tirsan Shabaab ay ku karbaasheen ganacsade caanka ahaa degmada Ceelbuur islamakraana ku xir xiray Odayaal dhaqameedyo.
Kadib markii shalay ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ay ku xir xireen odayaal dhaqameedyo iyo ganacsato caanka ah degmadaasi, ayaa arinkaasi waxaa ka hadlay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Ceel-garas kuwaasi oo sheegay in arintaasi ay tahay mid kabaxsab bini’aadanimada.
Mid ka mid ah odayaasha deegaanka Ceel-garas oo diiday in magaciisa la shaaciyo oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay ka xunyihiin falka Al Shabaab ay kula dhaqaaqeen Odayaasha iyo ganacsatada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, isagoo tilmaamay in ay samayn doonaan kacdoon ka dhan ah Al Shabaab hadii ay sii wadaan xariga ay u gaysanayaan waxgaradka ku dhaqan degaankaasi.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay la dagaalami doonaan Al Shabaab, si ay ugu saaraan qeybaha ay ka taliyaan gobolka Galgaduud, madaama uu sheegay in ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan waxgaradka iyo dadka rayidka ah ee ku nool degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Shalayay ayay aheeyd markii ciidamada Al Shabaab ee degmada Ceelbuur ay ku karbasheen nin ganacsade ah oo caan ka ahaa degmadaaasi, iyadoo sidoo kale xabsiga dhigay tiro odayaal dhaqameedyo iyo ganacsato kuwaasi oo aan la ogayn ilaa iyo iminka wax ay xabisga u dhigeen.