Maamulada Iskuulada iyo Jaamacadaha ka jira gobolada ay maamusho Al-shabaab, ayaa lagu wargeliyay in cashadarada ay siiyaan ardayda ku daraan jihaadka, lagana dhigo maado maalin walba ka baxda Iskuuladooda; sida laga soo xigtay maamulada iskuulada gobolka
Hiiraan.
Siminaarkii ugu horeeyay oo kooxda Al-shabaab, ay ku doonayso inay ku hirgeliso go’aankan, ayaa waxaa loo qabtay macalimiinta wax ka dhiga Iskuulada iyo Jaamacadaha Gobolka Hiiraan oo ku yaala bartamaha Somalia.
“Al-shabaab, waxay Baladweyne noogu qabtay siminaar, waxayna nooga codsadeen inaan ku darno maadooyinka iskuulada iyo jaamadaha lagu dhigo maado ay ku magacaabeen Jihaad, aad ayaan ula yaabanay, waxaana u sheegnay inay nagu culus tahay” ayuu yiri macalin ka mid ahaa kuwii siminaarka loo qabtay oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, amaan awgiis.
Macalinkan, ayaa sidoo kale sheegay inay diideen in ardayda qaarkood loo qaado xeryaha ciidanka si tababar loosoo siiyo, waxayna arintaan ku tilmaameen mid aan suurogal ahayn, oo ay aad uga soo horjeesteen.
Ururka Al-shabaab ayaa ka taliya inta badan koonfurta iyo bartamaha Somalia, oo ay ku jirto Magaalada Muqdisho, oo ay qayb yar ka taliso DF, iyadoo kooxdan ay sheegtay inay dagaalada wadayso inta ay ka ridayaan dowlada, ayna dalka ka baxayaan ciidamada AMISOM.
Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha, ayaa horay ugu eedeeyay Al-shabaab inay caruurta ka dhigtaan Askar, waxaana goobaha ay ku sugan yihiin kooxdan lagu arkaa caruur badan oo qoriga AK-47-ka ah garaarsan, xiisana u qaba inay dagaalamaan.
“Waalidiintu, waa inay caruurtooda baraan jihaadka, si ay u noqdaan kuwo difaaca diinta Islaamka, sidoo kale haweenka iyo odayaashu waa inay isku diiwaangeliyaan ka qaybgalka jihaadka dalka ka socda” ayuu dhamaadkii sanadkii hore [2010], Muqdisho ka sheegay Sh. Cali Max’ed Xuseen oo ah gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab.
Arday badan, ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalo ay kooxda Al-shabaab ku qaaday fariisimaha dowlada ee Muqdisho, dagaaladaas oo ay ku jireen kuwii bishii Ramadaan ka dhacay Muqdisho, lana qiyaasayo inay ku dhinteen boqolaal qof oo dhalinyaro u badan.
GAROWEONLINE



