Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo ayaa Safar Shaqo ku tagay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera .
M/weynaha Iyo waftigiisa ayaa ka kooban Wasiirada Qorsheynta Qaranka, Duulista Hawada, Kaluumaysiga, Cheif Of Cabinet ka , Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska iyo Marwada koowaad, ayaa saaka subaxdii Hore gaadhay Magaalada Berbera iyaga oo ka anbabaxay magaalada Hargeysa waxaana lagu sheegay ujeedada Booqashada M/weynaha iyo Waftigiisa xog ogogaal u noqoshada arimaha ka jira deegamada uu booqashada ku marayo.
M/weynaha ayaa markii uu gaadhay magaalada Berbera waxa uu booqday Gegida Diyaraadaha ee Berbera waxaanu uga sii gudbay Dekeda magaalada Berbera isaga oo xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo laga dhisay Dekeda sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray laba wado oo laga sameeyey badhtamaha magaalada Berbera.
Booqashada M/weynaha ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ugu baxo Gobolada dalka tan iyo intii la doortay lamana oga in uu dhaafi doono magaalada Berbera iyo in uu ku soo noqon doono caasimada Hargeysa.