The farmers couldn't afford to provide enough stocks to Al-SHABAAB so they get punishment from Al-SHABAAB SUBXANNALLAH!!!!!!!!!!
Maamulka Shabaab ee ka arimiya gobolka Shabeelaha hoose ayaa shalay bilaabay talaabo gebi ahaanba looga xirayo biyaha Wabiga Shabeelle ee waraabin jiray beeraha ku yaala deegaanada Kuntuwaarey iyo Sablaale.
Go'aanka ka soo baxay maamulka Shabaab ee uu hogaamiyo Sheekh maxamed C/lla abuu Idriis ayaa lahu sheegay in ay ka dambeysay kadib markii Beeraleydu ay ka dhega adeegeen in ay bixiyaan lacago iyo anfaca ka soo go'a beerahooda si loogu taageero xoogaga hubeysan ee Al-shabaab.
Beeraleyda labada degaan ayaa sheegay in ay ka xunyihiin talaabdaasi ay Al-shabaab ku kaceen, iyadoo inta badan biyahaasi loo wareejiyay beeraha Jannaale iyo Shalaambood ee ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose kadib markii ay beerakleydaasi bixiyeen lacago lagu sheegay is faham.
Beeraleyda deegaanada Kuntueaarey iyo Sablaale ayaa ku tilmaamay amarkaasi looga xiray biyihii waraabka beerahooda mid ku keni karta inay isaga soo barakacaan halkaasi iyadoo dhanka kalena saameyn ku yeelan doonta bulshada ka dhur sugeysa waxa ka soo go'a beeraha Shabeelaha hoose oo ah halbawlaha wax soo saarka Soomaaliya xili ay dalka ka jirto abaaro saameyay dad iyo duunyo.



