Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Farmajo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Washington, DC

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
ahmad guray
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 964
Joined: Sat Apr 21, 2007 11:45 pm

Farmajo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Washington, DC

Postby ahmad guray » Thu Jan 20, 2011 12:09 am

Wafdi uu hoogaaminiyo PM Dr. Maxamed Cabdullahi Maxamed oo uu ka mid yahay Eng. Cabdiraxman Omar Osman Yariisoow ayaa dhawaan socdaal gaaban ku soo gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.
Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay la kulmayeen madax sare oo ka socota Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Mareykanka oo uu ka mid yahay Johnnie Carson oo ah Assistant Secretary of State for African Affairs.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee uu hor kacayay Ra’isal Wasaare Maxamed Farmaajo ayaa markii ay Washington yimaadeen waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Soomaalidii ku nooleed nawaaxiga caasimada oo uu hogaaminayey Dr. Abukar Armaan oo ah Envoy-ga qaaska ah ee DKMG kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Dr.Yusuf Ibrahim Bobo, Prof. Liban A. Egal, Eng. Xuseen Darwiish, Eng. Raghe M. Jama iyo Eng. Jamal Sh. Saciid.
Ra’isal Wasaaraha ayaa wuxuu halkaas ku qaabilay dadweyne fara badan oo isugu jira aqoon yahano, mas’uuliyiin sare, safiiro, ganacsato iyo wax garad rag iyo dumarba lahaa, asaga oo kala hadlay sidii loo caawini lahaa Dowladda ku meel gaarka ah ee uu shacabka Soomaaliyeed leeyahay, loogana hortagi lahaa caqabadaha iyo dhibaatooyinka balaaran ee Soomaaliya ka jira sida: Abaaraha iyo nabadgalyo xumada, isla markaana gacan looga geysan lahaa horumarinta bulshada, dib u dhiska, iyo xoojinta isku xirka xiriirka dibedda iyo gudaha.
Dadkii halkaas isugu yimid ayaa waxay soo dhoweeyeen fikrada waxtarka leh ee uu soo bandhigay Ra’isal wasaaraha, waxay qireen in Dr. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) uu yahay mas’uul Soomali ah oo ku dayasho mudan kana bisil dhan kasta.
Dadkii uu halkaas ku qaabilay Ra’isal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Liban A. Egal oo ka mid ah madaxda Hey’adda maxaliga ah ee Somali Development Foundation oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan SDF oo ka warbixiyey howlaha ay Hay’adda ka soo qabatay dhamaan goballada Soomaaliya. Prof. Liban Egal ayaa waxuu sii faah-faahiyey mashaariicdii ay hirgalisay Hay’adda ayaagoo ku bixiyey dhaqaale faro badan iyo qalab waxbarasho sida dugsiyada hoose-dhexe, dugsiyada sare iyo dhismaha Jamacadda GEDO University.
Dhanka midig ka bilow, Ra’isal Wasaare Dr. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) iyo Prof. Liban A. Egal.
Mr. Egal ayaa sheegay in ay dhaqaalahaas baxsheen qurba joogta iyo shaqsiyaadkii dhisay Hay’adda. Prof. Liban ayaa waxuu kaloo sheegay in Barnaamijyada cusub ee ay hay’addu ku howlan tahay ay ka mid yihiin sidii ay gacan buuxda uga geysan laheyd xagga caafimaadka, abaaraha, dhismaha, iyo nabadda.
Ra’isal wasaare Dr. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa wuxuu aad u soo dhoweeyey horumarka ay ku talaabsatay Hay’adda, wuxuuna ka codsaday mas’uuliyiinta Hay’adda ay sii laba jibaaraan wax qabadkooda isla markaana la shaqeeyaan DKMG. '

[size=150]http://www.allgedo.com/2011/0 ... -2/[/size]

]
Last edited by ahmad guray on Thu Jan 20, 2011 12:19 am, edited 1 time in total.

User avatar
FAH1223
webmaster
Posts: 33829
Joined: Mon Oct 02, 2006 12:31 pm
Location: THE MOST POWERFUL CITY IN THE WORLD
Contact:

Re: Farmajo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Washington, DC

Postby FAH1223 » Thu Jan 20, 2011 12:18 am

my peoples already saw him


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 54 guests