Dowladda Soomaaliya, ayaa safiir cusub u magacowday dalka Suudaan, kaasoo Axaddii toddobaadkan xaflad ka dhacday madaxtooyada dalka Suudaan ugu gudbiyay warqadihiisii aqoonsiga danjirenimo madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Al-bashiir.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisanaya dalka Suudaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Al-bashiir uu ka aqbalay aqoonsigiisa danjirenimo, ayna kasoo qaybgaleen xafladda looga guddoomay aqoonsigiisa danjirenimo madax ka tisran dalkaas.
“Madaxweynaha dalka Suudaan, wuu iga guddoomay warqadaha safiirnimo, wuxuuna iga wareystay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ammaanka iyo bani’aadamnimada,” ayuu yiri safiirka cusub.
Danjiraha, ayaa sheegay in safaaraddu ay ka shaqeyn doono sidii ay uga war-hayn lahayd xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barta dalka Suudaan iyo Soomaalida kale ee dalkaas daggan, isagoo sheegay inay ka caawin doonaan dhinaca safarrada.
Xukuumadda Soomaaliya, ayaa horraantii bishan u magacowday danjiraheeda cusub ee dalka Jabuuti, C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), kaasoo warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, iyagoo safiirka cusub ee Suudaan uu noqonayo kii labaad ee loo magacaabo dal Afrikaan ah.
Dowladda Soomaaliya, oo xilligeedu uu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, ayaa wadda qorshayaal ay ku xoojinayso xiriirkeeda siyaasadeed ee dalalka caalamka, kuwaasoo ay ugu horreeyaan magacaabista safiirro cusub, iyo booqashooyin dibadeed.







