Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale oo horay u soo noqday wasiirka macdanta iyo biyaha Soomaaliya, ayaa sheegay isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaareen xilligii gargaarka lagu daadin lahaa diyaarado.
"Abaarta xilligan ka jirta Soomaaliya, waa mid gaarsiisan in gargaarka lagu daadiyo diyaarado," ayuu yiri jen. Cabdi Qaybdiid oo hay'adaha gargaarka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha gurmad ula gaaraan dadka ay abaaruhu ku habsadeen.
Jen. Qaybdiid, oo ka mid ah guddi loo saaray inay qiimeyn ku sameeyaan abaaraha ka jira deegaannada baratmaha Soomaaliya ku yaalla ayaa sheegay in abaaruhu ay yihiin kuwo daran, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda dadka ku harsan goobaha ay abaaruhu sida ba'an ugu dhufteen ee ku yaalla bartamaha Soomaaliya.
"Beesha caalamku, waa inay xil weyn iska saarto sidii ay u garaari lahaayeen dadka weli ku sugan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen iyo kuwii ka barakacay intaba. Haddii muddo todobaad ah aan gargaar lagu gaarsiin dadkaas waxay khatar ugu jiraan geeri," ayuu yiri jen. Cabdi Qaybidiid.
Sidoo kale, jen. Cabdi Qaybdiid, wuxuu sheegay inuusan garanyn cidda la siinayo gargaarkii la keeno toddobaadkaas kaddib, isagoo sheegay in abaaraha taagan ay u muuqdaan kuwii ugu darnaa ee ka dhaca Soomaaliya muddo laabatan sano ka badan.
"Dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo dowladda KMG ah, waxaa iyagana kula talinayaan inay gargaar la gaaraan dadka walaalahooda ah ee ku dhibaateysan gobollada ay abaaruhu ku habsadeen, kuwaasoo u baahan kaalmo deg-deg ah," ayuu yiri jen. Qaybdiid.
Abaaraha ka taagan Soomaaliya, ayaa aad looga dayrinayaan, iyadoo lagu barbar dhigay abaartii ka dhacday gobollada dalka Soomaaliya sannadkii 1992-kii, taasoo dishay in ka badan 5,000-qof oo intooda badan ku noolaa koonfurta Soomaaliya.



