Mudaahaarad aad u balaadhay oo ay Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee Minneapolis qabatay & Abdi Iley oo aamini waayay in uu Hoteelka iridiisa ka soo galo.
Jan 24, 2011 (QOL) Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku dhaqan Magaalada Minneapolis ee waddanka Maraykanka ayaa maanta 12:00 duhurnimo isugu timid Mudaahaarad aad u balaadhan oo ay Jaaliyadu ku diidantahay gumaadka & dhiig duudsiga ay gumaysiga Itoobiya & gacanyarihiisa dhiigyacab Abdi Iley shacbka Soomaalidda Ogaadeenya ku hayaan, Mudaaharaadkan ayaa sidoo kale lagaga hor tagay shir dhalan teed ah oodhiigyacab Abdi Iley uu doonayay in uu u qabto shaqsiyaad ka soo jeeda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, wariyaha Qorahay Online uga soo warama waddanka Maraykanka ayaa no soo sheegay in ay isgu yimaadeen halka loo yaqaano the Twin Cities, St. Cloud oo ah badhtanka Magaalada Minnesota dad aad u cadhaysan oo ka soo horjeeda dhiigyaca Abdi Iley oo shir ku qabanayay Huteelka loo yaqaano Radisson City Center Hotel.
Waxaa Hoteelka hortiisa buux dhaafay dad aad u cadhaysan oo ka xun imaatinka Abdi Iley ee dalka Maraykanka waxayna wateen Calkan Ogaadeenya xiliga oo aad u qaboobaa baraf badana ka dhacayay Hoteelka Hortiisa waxay halkaas ku gubeen calanka Itoobiya sidoo kale waxaa Abdi Iley ku adkaatay in uu shirkiii uu isagu qabanayay soo galo, sirkaas oo ay shaqsiyaad aad u yar u yimaadeen kuwaas oo sida la sheegayo u badnaa dad ka soo jeeda Soomaaliya oo aan laba soconin waxa Ogaadeenya ka jira.
Warar aanu si hoose u helaynay ayaa sheegaya in uu Abdi Iley ka cabsaday in uu soo galo Hoteelka wuxuuna Booliiska u sheegay in ay ku adag tahay in uu dhex maro dadka Mudaahaaradayay markaas oo la sheegay in laga galiyay Hoteelka gadaashiisa halkaas oo markii uu dadka salaamay kadib uu wiil dhalinyo ah onaan magciisa helin uu feedh ku bilaabay kadibna ay Booliiskii ka qabteen mudo yar kadibna Wiilkii la sii daayay.
Mudahaaraadkan waxaa goob joog ka ahaa dhamaan Saxaafad caalamiga ah ee wadanka Maraykanka ka hawl gasha waxaana laga soo daayay TV yada Wadanka Maraykanka oo dhan sidoo kale waxaa Mudaharaadkaas laga daawan karaa TV Af-Soomaliga ku hadla ee xalaasha ah.
Sikastaba ha ahaatee waxaa aad u adag in uu Abdi Iley si xor ah shir u qabsado isaga oo ay haysato cabsi aad u balaadhan taas oo ka timid dhamaan dadkii uu dadkooda laayay oo ka buuxa dhamaan caalamka ayna adag tahay in uu si xor ah u qabsado shirarar dhalanteed ah oo gumaysigu u soo xilsaaray.
Wixii ka soo kordha kala soco Warbaahinta Qorahay Online hana ka fogaanin
http://www.qorahay.com/Jan2011/24d012011.htm








