Dhibaatooyin xanuun badan ayaa ka dhashay abaaraha halakeeyay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolada dalka Soomaaliya mana muuqdaan wax gargaar ah oo ay bixinayaan Hay’adaha Q.Midoobe ee Gargaarka sheegta.
Dhacdo Murugo leh ayaa dhawaan ka dhacday degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo kamid ah meelaha ay saameynta balaaran ku yeesheen abaaraha kajira dhamaan gobolada dalka Somaliya.
Mid kamida dadka deegaanka ayaa sheegay in Nin xoolaley ahaa oo ku dhaqan degmada Jalalaqsi uu ku xoola beelay abaarta kadibna uu naftiisa gooyay naxdin aawgeed, Ninkan oo muddo sanada ah dhaqanayay Xoolaha Ariga iyo lo’da ayaa muddo laba bilood gudahood ah waayay 500 Neef Ari ah iyo 180 neef oo lo’ ah.
Marka ay xooluhu dhimanayaan waa laxalaaleeyaa kadibna Maqaarka ayaa laga fiiqdaa si looga manaafacaadsado maqaarka oo qiima dhan $1.5 Dollar ka jooga Gobalada dhaca Koonfurta Somaliya.
“Nin xoolaley ah ayuu ahaa oo caanka ahaa baadiyaha Jalalaqsi wuxuu lahaa 3 xaas iyo 11 carruur ah qaarkoodna ay qaan gaar ahaayeen, markii ay abaartu bilaabatay ayay xoolihii ka dhamaadeen dabadeedna isaga ayaa isgowracay”ayuu yiri mid kamida dadka deegaanka oo Allgedo Online lahadlay.
Sida wararku sheegayaan Marxuumka isdilay ayaa maalin walba maqaarka kasiibi jiray Xoolihiisa marka ay bakhtinayaan si reerku raashin ugusoo iibsadaan lacagta yar ee maqaarka lag helo.
Markii uu Neefkii ugu dambeeyay ee xoolihii gaarayay 550-ka Neef Ariga ah iyo 180-da Lo’da ahaa uu maqaarka ka fiiqay ayuu Mididii uu wax ku qalayay dhuunta iska gelshay meeshiina ku naf baxay!!!.
Marxuumka dhintay ayaa is hayn kari waayay markii uu gacanta ka taagay wixii xoola ah ee uu dhaqanayay dhowrka sano, Ninka isdilay ayaan ku qancin qadarta Alle ee ku habsatay taasi oo khasaara aduun iyo mid aakhiro ku ah ,dadka hantiilayaasha ah ee alle Imtixaanay.
Dhinaca kale mid kamida ganacsatada xoolaha ka baayac mushtara oo reer Mahadaay ah ayaa naftiisa gooyay markii ay mar qura ka dhinteen xoolo farabadan oo uu muddo sanada ah ku xanaaneynayay webiga Jiinkiisa.
Sheekooyin yaab leh ayay soo werinayaan qoysaska gobolada dalka ku dhaqan oo abaaruhu halakeeyeen, qoysas badan oo xoolaha iyo tacabka caan ku ahaa ayaa hadda ah ceyr aan haysan wax ay ku noolaadaan.

Daahir Guuleed Allgedo Online