28 1 2011
Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galagduud ayaa mar kale ku amray Hay’adaha samaflka ee gobolkaasi inay gar gaaraan dadka abaaraha la daalaa dhacaya ee ku nool deegaano hoostaga gobolkaasi.
Iyadoo ay sii kordhayaan dadka barkacayasha ah ee ka imaanaya qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan dhulka Soomailda ee ay Ethiopia Maamusho ayaa hadana waxaa markale Maamulka Ahlu Sunna ee Caabudwaaq uu ku amray Hay’adaha Samafalka ah inay gar gaaraan dadka dhibaaaysan.
Gudoomiyaha Maamulka Ahlu Sunna ee degmada Caabud-waaq ayaa hay’adaha samafalka ah ugu baaqay in ay wax qabad deg deg ah ay u muujiyaan dadka dhibaataysan, isagoo sheegay in hadii Hay’adaha aysan u gar gaari karin dadka dhibaataysan inay isaga baxaan gobolada Galgaduud.
Hadalka kasoo yeeray Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa imaanayaa iyadoo dad badan oo la daala dhacaya abaaro baahsan ay gaareen degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgduud, waxaana Maamulka Ahlu Sunna oo ku cel celiyay in wax loo qabto dadkaasi dhibaataysan hase ahaatee ilaa iyo hadda ma muuqato wax caawin ah oo lasiiya Umadda dhibaataysan.
Xaafiiska-warqabadka-ee mustaqiim
mustaqiimcom@hotmail.com
It makes sense why shabab prohibited them from operating in their khawarij koonfuria because what did these ppl do in non-alshabab places such as galgaduud, mudug, tfg's 2 km in xamar?
NOTHING
The gaalo hay'adaha must be stopped. They come with food + water during blessed seasons when the desert turns green



