Axad, 30 Janaayo, 2011 (HOL) – Kaluumaysatada Kaluunka ka jilaabto xeebaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka jubbada hoose ayaa ka cabanaya dhibaatooyin iyo caqabado baahsan oo ay sheegeen in marka ay ku gudo jiraan howlahooda shaqo ay kala kulmaan Maraakibta ilaalada ka haya Xeebaha dalka Soomaalia gaar ahaanna kuwa ku sugan nawaaxiga xeebaha magaalada Kismaayo.
Dhibaatooyinka ugu daran ee Kaluumaysatada reer Kismaayo ay ka cabanayaan in ay ku hayaan Maraakiibta wadamada reer Galbeedka ayaa waxaa kamid ah:Biyo farabadan oo Doonyaha kaluumeysiga looga furo, Shabakadihii kaluunka oo laga kala tuuro iyo Xaalufin aad u daran oo Kaluumaysatadu ay sheegen in Maraakiibtaasi ay kuhayaan dakhligii badda ku jira.
Cabdulaahi Jaamac Cali oo loo yaqaano Madoobe Ow-Jaamac oo maanta HOL kula hadlayay Xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in mudooyinkan dambe ay isa,soo tarayeen dhibaatooyinka iyo falalka ka baxsan biniaadanimada ee ay ku kacayaan ciidamada Mariiniska ah ee ku sugan xeebaha magaalada Kismaayo,waxaana uu Mr Madoobe’ ugu baaqay Wadamada reer galbeedka inay joojiyaan dhibaatada iyo tacadiga ay ku hayaan kalluumeysatada ku nool gobollada Jubooyinka.
Maraakiibta huwanta ah ee inta badan sheegaya inay burcad badeed ka ilaalinayaan biyaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sixun ula dhaqmaan Kaluumaysatada Somaliyeed ee doonaya inay ka faa’ideystaan dakhliga uu alle Badahooda ku maneystay, hasayeeshee inta badan wadamada reer galbeedka ee ay Maraakiibtooda Soomaaliya joogaan dhaliisha ay Kaluumaysatada soomaaliyeed u soo jeediyaan waa ay beeniyaan.
Isku soo wada duuboo caqabadaha iyo dhibaatooyinka ay sida joogtada ah ola kulmayaan Kaluumaysatada magaalada Kismaayo ayaa noqday kuwo in badan soo noq noqday mana jirta cid wax ka qabata tacadiyadaasi ay geysanayaan Maraakiibta reer galbeedka.