Qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ayaa codsaday in dadka ay abaaruhu ku heystaan dalka loo uruuriyo dhaqaale xilliga ay shaqaalaha dowladdu ay mushaarka qaadanayaan.
Shaqaalaha Dowladda oo maalmihii la soo dhaafay qaadanayay mushaaraadkooda bisha Janaayo ayaa maanta Radio Muqdisho u sheegay in ay bilaabayaan olole dhaqaale loogu uruurinayo dadka abartu ay saameysay, waxayna sheegeen in ay codsanayaan in qof kasta oo mushaar qadanaya uu iska jaro lacag lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ay abaaruhu saameeyeen.
"Haddaan nahay shaqaalaha dowladda waa in aan kaalinteena qaadanaa, bil kasta waxaan iska jareynaa Lacag dadka walaalaheena ah aan ku taakuleyneyno" ayay tiri Haweeneey ka tirsan wasaradda Haweenka.
Shaqaalaha ayaa maamulka wasaaradaha ka ocdsaday in ay aqbalaan baaqooda isla markaana ay qeybka ka mid ah mushaaradka shaqaalaha ay u qoondeeyaan gurmadka dadka Abaaruhu saameeyeen.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda KMG ay bishaan bixisay mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda, Ciidamada Qlabka sida iyo waliba Hay'adaha kale ee Dowladda.




