Barnaamijka waxbarashada ee todobaadkan waxa aynu kaga hadlaynaa heshiis taariikhi ah dhexmaray jaamacadaha Muqdisho iyo Gedo, xaflad ka dhacday huteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi.
Heshiiska wada shaqeynta ee dhexmaray labadda jaamacadood ayaa waxaa u kala saxiixay Dr. Cabdi Cali Xassan oo ah xubin ka tirsan guddiga jaamcadda Gedo iyo gudoomiyaha guddiga jaamacada Muqdisho Dr. Cabdiraxmaan Baadiyo.
Waxaa sidoo kale xaflada ka qeybgalay marti sharaf u badnaa aqoonyahanno oo ay ka muuqatay farxad ku aadan heshiiska dhexmaray labadda jaamacadood.
Barnaamijka oo dhamaystiran waxaad ka dhagaysan kartaa boggan qeybtiisa hoose.
Barnaamijka waxbarashada todobaadkan waxa aynu kaga hadlaynaa:
Wiil Soomaaliyeed oo kaalinta koowaad ka galay jaamacadda caalamiga ah ee Kampala.
Xuska maalinta macallimiinta Soomaaliyeed
Midowga labada jaamacadood ee Muqdisho iyo Gedo.
iyo Martida Sanadka ee Barnaamijka waxbarashada oo aanu ku wareysannay Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ah madaxa jaamacadda Muqdisho.
Barnaamijka oo dhamaystiran waxaad ka dhagaysan kartaa boggan qeybtiisa hoose.



