Muqdisho : (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Hay’adaha samafalka iyo Qaramada Midoobay ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay abaaruhu halakeeyeen.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu ka warbixiyay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya ee saameeyay dadka iyo duunyada kuu nool goobaha ay abaaruhu ku dhufteen.
Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa tilmaamay in Hay’adaha samafalka aysan wax muuqda ka qaban abaaraha ka jira Soomaaliya islamarkaana aysan keenin gar gaarkii ay u baahnaayeen dadka dhibaataysan, wuuxna sheegay in ay baaba’ayaan xoolihii ku noolaa goobaha ay abaaruhu saameeyeen taasina uu sheegay in hadii ay sii socoto ay dadka bini’aanka ay saamayn wayn ku yeelan doonaan abaarahasi.
Ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inaysan kasoo bixin kaalintoodii ku aadanayd taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in Qaramada Midoobay ay ka qaadato kaalintooda caawinta dadka dhibaataysan.
Ugu dambeyn ayaa Ra’iisul wasaaraha waxaa uu ugu baaqay wadamada Carabta iyo kuwa kale inay gar gaar bini’aanimo u fidiyaan dadka Soomaaliya ee ay la dageen abaaraha ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Hadlka kasoo yeeray Ra’siiul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa imaanaya xili maanta uu ansixiyay guddiga qaranka gurmedka abaaraha oo dhawaanahaan ay soo magacaawday Wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda KMG Somaaliya taasi oo ka kooban 21-xubnood.