Emperior, don't you ever challenge me with my affairs!!
Wednesday, January 26 @ 08:53:28 EST
Cabsida laga muujinayey in colaado ay ka dhacaan gobolka Gedo ayaa sii baaba'eyso kadib markii kooxaha gobolka awoodiisa ku hardamayo ay qolaba teeda heysato oo qumanuhu uu qoorta ugu jira.
Beledxaawo oo ah magaalo xudun u ah dhinacyada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG ee Somalia iyo kuwa Ahlu-Sunna, dhowr marna ay ku dagaalameen oo ay gacan ku heynteeda isbedbedeshay ayaa hadda ciidankii Shabaabka ee u dagaalamayey, difaacyadana kaga jiray ay badankood magaalada ku kala firxadeen oo ay kala tageen, nin walbana inta uu qorigii uu watay guri dhigay meel wajiga saaray, qaar baa xuduuda ka tallaabay.
Warar ay Gedoweb heshay waxay sheegayaan in dhallinyaradii u dagaalameysay Al-Shabaab oo qaar badan oo kamid ah gobolada dalka laga kala keenay ay magaalada ku kala dhuunteen, qaarkood baa xaasas ku guursaday Beledxaawo oo dadkii inta ay fahmeen qoryaha iyo tuutihii iska dhigay, halka kuwa kalana ay aadeen degmooyin gobolka Gedo ah sida ay noo xaqiijiyeen dad aan kala xiriirnay magaalada.
Sabab dhab ah looma hayo in ay dagaalyahanadaas dhufeysyada ka baxaan, maadaamaa ay Beledxaawo mar kasta ka jirtay baqdin ah in la soo weerari karo, hase yeeshee dadku marka aad weydiiso sababta waxay ku qiyaasayaan guluf colaadeed oo hadda la hadal hayaa in aanu jirinba.
Ragga ugu sar sareeya Shabaabka Beledxaawo waxay ku soo daayeen degmada dad raadinayo askartaan maqan, lama oga haddii la helo waxa ay muteysan karaan, waxayse u muuqataa in mar uun ay Al-Shabaab taagan yihiin Allow ciidankii noo sahal aan xeryaha dib ugu celinee.
Maanta waxaa hadlay Maxamed Cabdi Kaliil oo kamid ah saraakiisha ugu sar sareysa aagga Doolow wuxuu sheegay in ay dagaal ku soo yihiin qeybaha kale ee Gedo, ciidankooduna wax kasta ka dhan yahay marka ay timaado tirada, hubka iyo wax alle wixii lagu dagaal tagi karo, Al-Shabaab buu ku eedeeyey in ay mas'uul ka yihiin abaarta gobolka faraha kulul ku heyso.
Si kastaba ha ahaatee dadka reer Gedo maanta waxay u baahan yihiin cid wax u tarta oo ka samata bixiso marxaladda adag ee ay ku jiraan.

Saxib alll the al-shabaab soldiers in baladxawo have left and went to doloow, the al-shabaab leader in baladxawo is looking for their ciidan. Niinyahow waxbo meesha ma ku heysiid
