
Garowe(Puntlandi.com);-Ciidamada Amaanka magaalada Garowe ee casimada Dawlada Puntland ayaa kala diray dad shacaba oo banaanbax kumuujiyay sida ay Dawlada Puntland uga gaabisay waxkaqabasahada xaaladaha colaadeed ee ka oogan Gobolka Cayn.
Shacabka ayaa ku soo xoomay halka uu caasimada kadaganyahay madaxwayne xigeenka Puntland waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo kadhana Dawlada iyagoo sheegay in xukuumada loobaahanyahay in ay go’aan cad ka soo saarto dagaalada kataagan Gobolka Cayn.
Ciidamada amaanka ayaa kala diray oo awood u adeegsaday qaarkoodna xabsiga dhigay waxaana shacabka wax laga xumaado kutilmaameen talaabada Policka qaadeen waxaana ay sheegen in ay dareenkooda muujinayeen balse wax dhibaataa gaysan.
Banaanbaxyadan ayaa maalmihii udanbeeyay laga hadlhayay magaalada Garowe waxaana maalintii shalay dhacay mid kan lamida oo shacabka dareenkooda kumuujinayeen waxaana ay toos u bartilmaameedsanayaan Hoyga madaxwayne xigeenka iyo xarunta madaxtooyada maadaama dhulka ay dagaalada ka socdaan laga soo doorto Gen.C/samad Cali Shire




