Xaglatoosiye Guri Qasri ah Ka Iibsaday Cajmaan / Emaaraadka iyo Taageerayaasha SSC oo Kacadhooday markii uu ku soonoqday
magalada Columbus Ohio, ayey nimankii tageerayasha ahaa weydiin su-aal ah lacagta aad ku iibsatay villa halkeed ka keentay
Taageerayaasha Jabhadda SSC ee ku dhaqan Dalka Imaaraadka ayaa ku eedeeyay Hogaamiyahooda Suleymaan Xaglatoosiye inuu lunsaday dhaqaalahii Ururka,kadib markii ay cadaatay inuu guri qasri ah ka iibsaday magaalada Cajman ee Mandaqidda Imaaaraadka.
Lacagta uu guriga ku iibsaday ayaa la xaqiijiyay inay tahay lacaga qaaraan ah oo loogu tala-galay in deegaamada SSC looga xoreeyo Ciidamada Somaliland iyo kuwa Xaabsade ee is-gaashaan-buureystay.



