5 qoys oo ka mid ah dadka ka soo barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya oo soo gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa la xiray.
Qoysaskan oo haatan ku xiran saldhiga degmada Bardaale ayaa lagu eedeeyay inay doonayeen inay u sii gudbaan degmada Doolow si ay halkaasi gargaar uga helaan.
Waxaa qoysaskaan xiray maleeshiaadka Al Shabaab ee ka taliya degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxa uuna mid ka mid ah waxgaradka degmada Bar-kulan u sheegay in maleeshiyaadka Al Shabaab oo ku hubaysan hubka fudud ay qoysaska barakacayaasha u taxaabeen xabsiga.
Xariga dadkan ayaa loo aaneenayaa iyadoo Al Shabaab aysan ogoleyn in dadka deegaanka ay u tallaabaan dhanka degmada Doolow oo ay joogaan ciidamo taabacsan dowladda KMG.
Waxaa jira deddaalo lagu doonayo in lagu soo daayo dadkan la xiray, sida uu noo xaqiijiyay mid ka mid ah waxgaradka ku sugan degmada Bardaale.



