Somaliland oo Sheegtay in aysan ka qaybgali doonin Shirarka dib u heshisiinta ee Soomaaliya
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan marnaba ka qaybgali doonin shirarka nabadeed ee lagu heshisinaayo Beelaha Soomaaliyeed.
Wasiirka arimaha dibadda ee maamulka Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay yihin dal ka madaxbanaan Soomaaliya sidaas darteed aysan ka qaybgali doonin shirarka dib u heshisiinta ee Soomaalida.
Wuxuu intaas ku daray in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay ogaato in Somaliland ay mar hore ka go’aday Soomaaliya ayna tahay qaran,waa siduu sheegtay.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay degaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn,wuxuuna sheegay in dagaalkaas ay ka dambeysay kadib maleeshiyo weerar kusoo qaaday Ciidanka Somaliland.
Wasiirka ayaa iska fogeeyey eedeyn uga timid dhanka Puntland oo ahayd in Ciidanka Somaliland ay xasuuq halkaas ka geysteen,wuxuuna sheegay in wax xasuuq ah halkaas ka geysan.
Todobaadkii tegay ayaa dagaal ka dhacay degaanka Kalshaale meel kudhow sababay dhimasho iyo dhaawac,waxaana dagaalkaas lagu eedeyey in maamulka Somaliland ay ka dambeyeen.
Horseed Media



