Gabar Soomaaliyeed oo Mindi ku Dishay Wiil ay saaxiibo ahaayeen
Norway | SomaliTalk.com | Aug 13, 2005
Sarkaal u hadlay Ciidanka Booliska Dalka Norway oo lagu magacaabo Kjell Hjulstad ayaa shaaca ka qaaday in saaka aroortii guri ku yaal Xaafad ka mid ah Magaalada Oslo ee Dalka Norway in laga helay meyd Wiil Soomaaliyeed oo mindi lagu dilay, da'diisana lagu sheegay 28jir.
Sarkaalka oo la hadlayey Saxaafada ayaa cadeeyay in dilkan looga shakisan yahay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Muna Ismaaciil oo loo yaqaan (AALIYAH) da'deena lagu sheegay 21jir.
Sarkaalka loo xilsaaray baaritaanka dilkan ayaa shaaca ka qaaday in Marxuumka la dilay ay da'diisu ahayd 28jir magaciisuna la oran jiray Marxuumka Xasan Warsame.
Waxaa baryahan dabme caadi u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha in ay Mindi isku dilaan, laakiin waxaan horey loo maqal gabar Soomaaliyeed oo Mindi isticmaasha.
Sarkaalka oo u waramayey Saxaafada ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaanka sababta keentay Dilka,isla markaasna marka ay soo gaba-gabeeyaan baaritaanka ay shir-jaraaid ku qaban doonaan Xarunta Booliiska ee Magaalada Oslo.
Soomaalida kunool Wadanka Norway ayaa lagu eedeeyaa in ay ku badan yihiin dadka qaba Cudurka Buufiska maadaama labo sano gudahood Midi lagu dilay 9 Ruux oo- ay ku jiraan labo Caruur ah oo uu aabahood Qudha ka jaray.
Wixii ku soo kordho dhacdadan hadii EEBE idmo kala socda warsidaha Somalitalk.com.
Xuseen Yaasiin Gode-Gode
Email: godegode_6@hotmail.com
Aug 13, 2005



