Jabuuti said NO to Somalidiid (Somaliland) passport !
Jabuuti ( Radio Laascaanood )---Amina Maxamed Xasan oo ah hooyo Reer Haregeysa ah oo la ildaran xanuun ka haleelay naaska ayaa doraad laga soo celiyay xadka u dhexeeya dalka Jabuuti iyo Somaaliya
kadib markii ay istidhi u socdaal dalka Jabuuti, kadib markii ay istidhi dalkaasi ku gal Passaprtka Somalidiidka, si ay dhakhtar u aado, waxa ay Aamina sheegtay in ay ahaayeen 7 qof dakii sitay basaaboorka Somaliland ee loo diiday in ay basaaboorkaasi ku galaan dalka Jabuuti.
Magaalada Lawyacdo ayaa xoogaa la igu silciyay oo mudo aan ku sugnaa, markii aan u gudub is idhi xaga dalka Jabuuti ayaa askarii iyo shaqaalahii socdaalka ee dalka Jabuuti ay igu wargaliyeen in aan basaaboorka aan sito oo ah kii Somaliland aan laga ogolayn dalka Jabuuti in lagu galo, sidaasi waxa noo xaqiijisay marwo Aamina oo dib ugu soo noqotay magaalada Hargaysa oo ay kolkii hore ay ka socdaashay.
Amina Maxamed waxa ay sheegtay in hore ay istitidhi ugu socdaal xaga cirka isla markaasna ay shirkada diyaaradah ee Juba Airline ay ku wargalisay in ayna Tikidh ku jarin basaaboorka Somaliland hase ahaatee laga yaabo hadii ay baabuurta raacdo in la sii daayo, taasi oo aan ku dhiirday ayay tidhi, sidoo kale waxa ay sheegtay dadkii sitay basaaboorka Somaliya ee aanu wada saarnayn baabuurka in ay iyagu u gudbeen xaga dalka Jabuti oo la sii daayay loona ogolaaday in ay galaan dalkaasi xaga Aamina oo sidatay basaaboorka Somaliland laga soo celiyay dalkaasi Jabuuti in ay gasho.
Basaaboorka Soomaalidiidka ayaa lagu tagaa oo lagu socdaalaa wadamada jaarka marka laga reebo dalka Jabuuti waxana u dalkaasi ka doorbidaa dadka Somalidiidka in uu siiyo basaaboorka dalkiisa in lagu galo basaaboorka Somalilnad taaso oo danyartii hawada ka saaraysa.
Sidoo kale basaaboorka Somaliland ayaa loogu socdaalaa wadamada qaarada Yurub, oo ay ku jiro dalka Ingriisku, iyo wadamada jaarka ah oo ayna ku jirin dalka Jabuuti
Axmed Siilaanyo ayaa dhowr bilood ka hor tagay dalkaasi iyada oo madaxweynaha Jabuuti uu kula taliyay in aan laga maqnaanin shirarka Somalida dhawaana dalkii Somaliya loo samayn doono dastuur, kaasi oo ay ku jirto Somaliland oo ay tahay in aanay Somaliland ka maqnaanin,




