The Al-Shabaab administration in Xarardheere, had meetings with the pirates, where Al-Shabaab asked 20% of the xaraan money, but the pirates refused, and are relocacting to Hobyo. Lool Al-Shaythan can never get halal money, they enjoy taking xaraan money from Pirates and money they steal from business/farmers/herders/elderly etc.
Iyadoo muddooyinkii danbe uu wada hadal iyo gor gortan uu ka dhaxeeyay Maamulka xarakada Shabaab iyo Kooxaha Bur Cad badeedda oo fadhigoodu yahay Degamada Xarar dheere ayaa warar hoose oo aanu helnay waxaa ay sheegayaan in Wada hadaladaasi ay bur bureen la iskuna af garan waayay gor gortankii labada dhinac u soconayay.
Warka ayaa sheegey in ay ka wada hadlayeen sidii Lacagaha ay helaan Bur Cad badeedda Boqolkiiba labaatan ay u qaadan lahaayeen Xarakada shabaab ee degmada Xarar dheere taasoo u cuntami weeydey kooxdii Bur cadda ahayd.
Ashabaab ayaa waxa ay dooneysey in 20% laga siiyo lacagahaas halka Kooxduna ay ka caga jiideysey lacagahaas oo ay ku sheegeen in ay aad u badan tahay.
Kooxaha Bur cad badeedda ayaa u sheegey dhinicii gor gortanka kula jiray in dhinacooda ay Doonyaha ka qaataan isla markaana ay Badda u xoogsi tagaan taasoo iyaduna u cuntami weeeyday Xarakada shabaab oo ku adkaysatay in lacagta ay dalbadeen wax laga siiyo.
Arrintan oo muran badan dhalisey ayaa ugu danbayntii Kooxda Bur Cad badeeddu waxaa ay go’aansadeen in ay isaga guuraan degmada xarar dheere una wareegaan Degmada Hobyo halkaasoo ay doonayaan in ay fariisin cusub ka samaystaan.
Dadka wax indha indheeya ayaa arrintan ku sheegey in laga yaabo in dagaal labada dhinac uu dhex maro halkaasna uu khasaare ka dhasho iyadoo iminkaba halkaa laga soo sheegayo cilaaqaad aan wanaagsanayn oo labada dhinac u dhaxeeya.
Si kasta ha ahaatee Degmada xarar dheere ayaa waxaa ay inta badan fariisin u tahay Kooxaha Bur Cad badeedda soomaalida kuwaasoo saldhig ay halkaa ku leeyihiin uga duula Maraakiibta ay soo qabsanayaan kaddibna isla halkaa keena wixii maraakiib ah oo ay soo