Mogadishu Saturday 19 February 2011 SMC
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen waxgarad, saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda KMG ah iyo bulshada degan magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay xariga loo geystay hoggaamiyaha siyaasadeed ee ugu cadcad beesha Muddulood Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere), waxayna sheegeen inuusan wax dembi ah gelin, isla markaasina mas'uuliyadda iyo sharaftiisa qofnimo meel looga dhacay.
Xubnaha shirka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa G/dhexe Xasan Dhicisow Xasan Taliyaha qeybta Booliska Bari, waxa uuna ku booriyay Dowladda KMG ah inay si degdeg ah ku sii daayaan Maxamed Dheere, oo uu sheegay inuu yahay mas'uulka kaliya ee xaaladooda la socda ciidamada Dowladda KMG ah ee iyagu ka dagaalamaya aagga Bari, isla markaasina taakuleyn jiray ahna mas'uulka kaliya ee aagga seexda xilliyada qaarkood.
"Haddii aan si degdeg ah lagu sii deyn Maxamed Dheere waxaan qaadeynaa tallaabo aan saxaafadda u sheegeynin" ayuu yiri G/dhexe Xasan Dhicisow oo sheegay in xariga Maxamed Dheere uu yahay mid sharci darro ah isla markaana aanu wax dembi ah gelin.
Dhinaca kale waxaa isna halkaasi khudbad ka jeediyay G/dhexe Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) Taliyaha ururka labaad, waxa uuna sheegay in dowladda KMG ah ay si degdeg ah ku sii deyso hoggaamiye Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo sheegay inuu yahay shaqsi aan dembi gelin oo sigardarro ah lagu xiray.
Dhammaanba xubnihii halkaasi khudbadaha kala duwan ka jeediyay ayaa sidoo kale cambaareeyay xariga Maxamed Dheere, iyagoo sidoo kale cambaareeyay tallaabada AMISOM oo ay sheegeen inaysan dhexdhexaad ka ahayn iyagoo u gacan geliyay Dowladda KMG ah.
Kulankaasi waxaa kale oo ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Degmada C/Casiis Yuusuf Cali Indhoole oo sheegay in dhacdadii ka dhacday Ex Fiyoore uu mas'uuliyadeeda qaadayo Guddoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), waxa uuna cambaareeyay xariga loo geystay Maxamed Dheere, isagoo sheegay inuu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana lagu xadgudbay sharaftiisa, iyadoo goobta shirka ay soo buuxdhaafiyeen dadweynaha Muqdisho oo tiradoodu ka badneyd boqol ruux.
How can an govt work when their socalled soldiers choose warlord Tall Mo above the president, pm and ministers?
Dowlad ku sheeg Down



