Waradhuumale: (Sh. M. Network) Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa galinkii dambe ee maanta uu ka dhacay degaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud.
Dagaalkaan ayaa la sheegay inay qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna, iyagoo weeraray fariisimo ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin aga gaarka deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo fool ka fool ah oo labada dhinac isku adeegsadeen rasaas cul culus oo cabsi iyo jahwareer ku abuurtay dadka ku sugan deegaanada uu dagaalka ka qarxay.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo la xiriiray warqabadda Idaacadda Shabelle ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedka dagaalka ay u qaadeen uu yahay, in Xarakada Al Shabaab xiligaan aysan heli karin gurmad maadaama sida uu sheegay Koofurta iyo Bartahama dalka Soomaaliya laga bilaawday dagaalo ka dhan ah Shabaab.
Macadda qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalada xoogan ee ka dhacay deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud, iyadoo sidoo kale dagaalkaasi aysan wax faah faahin ah ka bixin Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud.
GOOOOOD
Attack them from everywhere . Truly Qawaarijta are worse than crusaders, hindus, jews




