WAR DEG DEG AH: Cabdi Raxiin Ciise oo Dhaawacmay iyo Wasiiro
Posted: Thu Feb 24, 2011 10:30 am
Wasiiro iyo saraakiil katirsan DKMG ah ayaa khatar ku galay kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho xilli halkaasi dagaal culus ka socday.
Madaafiicda garbaha laga gemo iyo hoobiyaal ayaa lagu garaacay Kuliyadda Jaalle Siyaad Xilli halkaasi ay si dhuumaaleysi ah ku tegayeen Wasiirka Gaashaandhigga DKMG ah Fiqhi,Cabdi Raxiin Ciise Caddow iyo wasiirka arrimaha gudaha kooxdaasi.
Warar aan lagul kalsoonaan karin ayaa sheegaya in dhaawac fududu uu gacanta bidix ka gaaray Cabdi Raxiim Ciise Caddaw, dagaalka ayaa u muuqda mid sii qaboobaya waxaana socda dadaal ay ciidanka Burundi ku doonayaan in ay Jaalle Siyaad uga saaraan Wasiirada khatarta galay.
Waxaa kale oo jira dhaawac soo gaaray Weriyaal gaaleedyo katirsanaa Idaacadda AMISOM ee ku hadasha Afka Soomaaliga, waxaa fashilmay qorshe ay ku doonayeen in ay borobogaando ku sameeyaan iyagoo saxaafadda Jaalle Siyaad uga dhigaya wasaaradda Gaashaandhigga.