Sheekh Cali dheere oo Shir jaraa’id qabtay kana hadlay dagaalladii Beled Xaawo iyo Ciidamada Itoobiyaanka ee soo galay Dhuusamareeb. (Dhageyso)
01,Ra/Awal1432, 06,March,2011.
Waxaa goordhow magaalada Muqdisho Shir jaraa’id ku qabtay Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere.
Afhayeenka waxa uu Shirkiisa jaraa’id kaga hadlay dagaalladii dhacay degmada Beled-Xaawo ee wilaayada Gedo iyo Ciidamadii Itoobiyaanka ee halkaasi la wareegay, Afhayeenku wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday Ciidamada Itoobiyaan ah oo soo galay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Dhageyso Shirka Jaraa'id ee Sheekh Cali dheere
Sheekh Cali dheer wuxuu tilmaamay in duullaanka ay Ciidamada Itoobiyaanka kusoo qaadeen qaar ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya uu qeyb ka yahay dagaallada magaalada Muqdisho ay wadaan Ciidamada Ugandha iyo Buruundi.
Waxa uu wacad ku maray in Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay si adag isaga difaaci doonto weerarka lagu soo qaaday. Isagoona farriin culus u diray Dowladda Wadanka Itoobiya.
Shirka jaraa’id ee Sheekh Cali dheere ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli maalintii shalay Ciidamo Itoobiyaan ah ay qabsadeen mgaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, iyagoona sidoo kale la wareegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.



