Weriye C/qaadir Maxamed Aadan (Cagmadhige) oo u shaqeynayay shabakadda Qaranimo ayaa la sheegayaa in laga kaxeystay gurigiisa oo ku yaala magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose, lama oga sababaha weriyahaasi loo afduubtay iyo sababta loo aaneynayo xarigiisa inay ka dambeysay.
Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Kismaayo, ciidamo ka tirsan maamulka magaaladaasi ee xarakada Al-Shabaab ayaa gurigiisa ka kaxeystay Weriye Cagmadhige, hase yeeshee ma jirto wax faahfaahin ah oo Shabaabka ay ka bixiyeen arrinta weriyahaasi, iyadoo tallaabadaasina ay welwel ku abuurtay dadka degan magaalada Kismaayo oo iyagu markii horeba la liicayay dhibaatooyinka maamulka Shabaabka ay ku hayaan.
Xarigga weriyihii ka tirsanaa shabakadda Qaranimo ayaa warar aan si buuxda loo xaqiijin ay sheegayaan inay ka dambeysay warar ay dhibsadeen maamulka Shabaabka Kismaayo inuu ka qoray, hase yeeshee ma jiraan warar madax bannaan oo arrintaasi xaqiijinaya, walow maamulka Shabaab aanay weli soo saarin dembiga lagu xiray.
Qoyska Weriye C/qaadir Maxamed Aadan (Cagmadhige) oo si weyn uga naxay afduubka wiilkooda ay kula kaceen maamulka Al-Shabaabka Kismaayo, isla markaana sheegay inaysan garaneyn halka lagu heysto amaba uu ku xiran yahay, hase yeeshee waalidka dhalay Weriye Cagmadhige ayaa maamulka Al-Shabaab ugu baaqay inay sii daayaan wiilkooda.
Dhinaca kale xarigga weriyahaasi ayaa dadka degan magaalada Kismaayo isla dhex marayeen hadal heynta arrintaasi, iyadoo dadka rayidka ah ee ku nool gobolada Jubbooyinka intooda badan ay rajo beel ka muujiyeen ku noolaanshaha degaanada ay maamulaan xarakada Al-Shabaab.



