Xasan Yacquub ayaa sheegay in dagaalkii loogala wareegay magaalada BeledXaawo ay sabab u ahayd dhaqaale xumo soo foodsaatay iyo musuq maasuq ay ku dhaqaaqeen horjoogayaasha ugu sareeya Alshabaab, isagoona sheegay in dhaqaalaha laga helo dekedda magaalada Kismaayo la geeyo magaalada Muqdisho, islamarkaasna aan dib loogu soo celinin magaalada.
Xasan Yacquub ayaa intaas ku diray in gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ay dagaallo horleh ku soo foodleeyihiin xilli dhaqaalo xumo aad u daran ay haysato maleeshiyada Alshabaab ee gobolladaas ku sugan, isagoona sheegay in ay dhicikarto in gobollada Jubbooyinku ay ka baxaan gacanta maleeshiyada Alshabaab.
Dhinaca kale, Xasan Yacquub ayaa shacabka magaalada Kismaayo ku booriyey in ay dhaqaale ku soo taakuleeyaan maleeshiyada Alshabaab islamarkaasna, iska soo diiwaan galiyaan xafiis cusub oo ay magaaladaas ka fureen si ay qeyb uga noqodaan dagaallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Guul Dowlada Somalia



