Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay dhaqdhaqaaq ciidan halkaasi ka wadaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo saldhig ka sameystay deegaanka lagu Sabad Caano oo 5 KM u jirta magaalada Beledweyne.
Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada Beledweyne, iyadoo horjoogayaasha Maleeshiyadda Al Shabaab ay billaabeen in ay ka baxsadaan dagaallada laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Beledweyne.
Ciidamada dowladda KMG ayaa gebi ahaanba ka soo guuray deegaanka Kala-beyrka oo markii hore saldhig u ahayd, waxaana ay soo buuxiyeen agagaarka magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ciidamadu galaan gudaha magaalada Beledweyne.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamadda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa Bar-kulan u sheegay in ay guluf dagaal oo xoog leh ku ekeyn doonaan magaalada Beledweyne, isagoo rajeeyay in saacado kaddib ay magaalada Beledweyne geli doonto gacanta ciidamada dowladda.
Dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa magaalada Beledweyne ayaa inta badan ka qaxay magaalada, waxaana la dareemayaa saansaan colaadeed.



