Gudoomiyaha Hawiye Action Garoup Mr:-Liibaa Gabeyre(
libangabeyre@yahoo.ca )
hadhwanaag 2007-04-13 (Hadhwanaagnews) Warsaxaafadeed Ururka hawiye action group (HAG) wuxuu taageero iyo hambalyo buuxda ugu soo Gudbinaynaa Ciidamada Somaliland sida sharafta iyo geesinimada leh ee ay dhulkooda Uga difaaceen maleeshiyo beeleedka reer Puntland oo sida sharci darada ah marar badan Isugu daya in ay dhulal aan degaanadooda ahayn ku xad gudbaan,kuwaasoo mar kastana Ku hungooba.
Ururka HAG wuxuu ka digaayaa in dagaal gardaro ah lala beegsado dhulka iyo dadka reer Somaliland oo aan ognahay dhibaatooyinkii xanuunka badnaa ee loogaystay magaalooyinkooda Iyo maatidoodaba taasi oo ay u dheereed xasuuq lagula kacay, si-kastiba ha ahaatee waxaynu ku talineynaa dadkaasi iyo dalkaasi (Somaliland) oo kasoo kabtay dhibatadii iyo xaanuunkii uu u geystay taliskii Xumaa ee macangaga ahaa aana laga xaasidin horumarka dhinac walba ay ka gaareen Qaranimada Dhismaha Dowlad nimo ayna u harsan tahay kaliya Aqoonsi Caalami ah lanasugayo ayamaaha soosocda.
Malayshiyada Punland oo marwalba ku xadgudbeysa Xuduuda Caalamiga ah ee J.Somaliland iyagoo ku andocoonaya dadka Goboladaasi dega isku heyb ayaanu nahay halka xaga kalena Muqdisho iyo Beydhabona ay ku duuleen oo ay Xoog ku heystaan iyagoo sheeganaya Qaranimadii Somaliya ayaanu soo celineynaa isla mar ahaantaana kaa shanayana Ciidanka Ethopia isla mar ahaanataana ah Cadowgii Dalka ee Umada Soomaaliyeed rabana si ay ugu xasuuqaan Belweynta Hawiye.
Malayshiyada Beeledka Puntland waxay ogaan isku dhaga marineysaa xaqiiqda taala Somaliland gaar ahaan Degmooyinka Sool iyo Sanag bari oo ay dagaan Umad u dhalataya Somaliland belse iyagoo (Puntland) kula dhex wareegaya Qori dab leh iyo Musanow indho la’.
Ururka HAG iyo dhamaan taageeriyaashiisu marna afka iyo adinkaba kama laaban doono cid kasta oo ku soo xad gudubta dhulka iyo dadka Somaliland ee aan walaalaha nahay.
Ninkii dhoof ku yimid ayaa geeridu dhibaysaa sanadku maaha 80kii ee waa 2007.
Ururka HAG wuxuu markasta u taagan yahay in uu ilaaliyo sharafta,jiritaanka,iyo karaamada Dadka ay nagala dhaxeyso degaanka,dhaqanka iyo dhalyadaba.
Wa Bilaahi Towfiiq
Gudoomiyaha Hawiye Action Garoup
Liibaa Gabeyre
libangabeyre@yahoo.ca