Idaacad SNM ah oo waraystay Axmed Diiriye
Ahayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye iyo wiilka uu adeerka u yahay Liibaan Gabayre oo xukuma ururka Hawiye Action Group oo sida la sheegay ka hawl gala magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxay ka sheegeen idaacad ka mid ah kuwa SNMta in ay soo dhowaynayaan macaawinada Ingiriisku siinayo Maamulka SNM taas oo loo isticmaalay xasuuq iyo dil ku salaysan Isir nacayb oo Soomaalida inteeda badani ka soo hor jedaan in urur hubaysan oo ku salaysn qabiil kuna tuntay xaquuqda bani aadamka aan la siin kaalmo.
Liibaan Gabayre oo ku sugan dal ka mid ah wadamada aadka looga xaq dhowro xaquuqda bani aadamka ayaa markii uu ku arkay websityada iyo mudaharaadkii Ingiriiska ka dhacay maalintii Axada wiilkii yaraa oo nolosha loogu gubay isir nacaybka isaga oo aan denbi gelin wuxuu ka sheegay Idaacad ka mid ah kuwa SNM in uu aad u soo dhowaynayo lacagta dawlada Ingiriisku ugu deeqdo maamuka Hargaysa oo hada Soomaali badani aaminsan tahay in si khalad ah kaalmadii Ingiriiska loo isticmaalay iyaga oo warbixintan lagu wargelinayo dawlada Britain la gaarsiiyey xafiiska ugu sareeya Dawlada Ingiriiska.
Idaacadn oo maanta sidoo kale waraysatay Axmed Diiriye oo ah sida uu sheegay ah afhayeenka Beelaha Hawiye horayna u ahaa xiliyadii sagaashameeyadii mid ka mid ah Horjoogayaashii jabhadii USC " Waan soo dhowaynaynaa lacagta ay siiso ama siin doonto Dawlada Ingiriisku maamulka Somaliland" Sidaa waxa yiri Ahayeenka Beelaha Hawiye.
Ugu danbayntii Axmed Diiriye iyo Gabayre maaha kuwo ay doorteen Bulshada ay magacooda ku hadlayaan iyaga oo leh dano gaar ah ama lacag lagu siiyey in ay bixiyaan waraysiyada noocan oo kale oo ah kuwo ayna ku xishoon horayna u sheegeen hase ahaatee bulshada Hawiye intooda badani waxay aaminsan yihiin midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Allsanaag.com




