Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Maxaas, Wabxo, Ceel-buur iyo Ceeldheer ayaa la sheegayaa inay isaga baxeen ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay dib ugu biireen beelihii ay ka soo jeedeen, iyadoo xalay gudaha degmada Ceelbuur lagu dhacay gaari Rinod ah oo uu lahaa Guddoomiyihii degmadaas ee xarakada Al-Shabaab.
Lama oga madaxii Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur oo ka soo jeeda gobolada Jubada dhexe halka uu ku sugan yahay, waxaana dhammaanba degmooyinkaasi ay faarujiyeen xarakada Al-Shabaab la sheegayaa inay maamulaan dadka degaanka.
Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya gobolada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maamulada xarakada Al-Shabaab ee degmooyinkaasi isaga baxay ay timid xeelad dagaal iyo ciidamadii degmooyinkaasi oo iyagu ku maqan howlgallo ay sameynayaan gobolka kale ee dalka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Lama oga ka bixitaanka maamulada iyo ciidamada xarakada Al-Shabaab ee faarujiyay gobolada Galgaduud iyo Hiiraan inuu la xiriiro hadal dhowaan ka soo yeeray afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo sheegayay inay bedeleen taatiiga dagaaladii ay ka wadeen gudaha dalka Soomaaliya.



