
Ciidanka badda dalka India ayaa qabtay 61-burcad badeed Somali ah gudaha badda Cas kadib israsaaseyn dhexmartay oo ka dambeysay afduubka Markab.
Burcad badeedu waxay qafaasheen Markabka Vega 5 oo uu ka babanayey calanka dalka Mozambique bishii December, markaas kadib waxay u adeegsanayeen in ay isticmaalaan.
soo afduubashada Maraakiibta.
Ciidanka India oo ka jawaabayey isku dayo ay burcaddu ku qabsan lahaayeen Maraakiib kale ayaa tobanaankan burcad badeeda ah soo qabtay, waxay sareen Markab dagaal oo ciidamadu ku roondeynayeen.
13-badmaaxiin ah oo saarnaa Markabka u afduubnaa burcaddan ayaa la soo badbaadiyey, xaaladdooduna hadda way wanaagsan tahay.
Waa tiradii ugu badneyd oo burcad badeed ah oo la qabtay dhawaanahan.
Axmed Sujuu
Boosaaso.
Only in Majeertenia will Indians bully you




