Muqdisho (RBC) DKMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshey aqbalaada wadamo hor leh oo Afrikaan ah oo diyaar u ah inay ciidamadooda keenaan gudaha Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhiga ee DKMG ah C/xakiin Xaaji Fiqi oo shir jaraa’id wariyaasha ugu qabtay magaalada Muqdisho kana warbixiyey kulan wasiirada gaashaandhiga ee dawlaha Afrika ay yeesheen ayaa sheegay in la isku afgartay in ciidamo hor leh oo ka socda wadamada Seire Leone, Djibouti iyo Ginea ay ogolaadeen inay ciidamo keenaan magaalada Muqdisho.
“Wadanka Seire Leone wuxuu ogolaaday in hal guuto uu soo diro maalmaha soo socda waxayna imaanayaan magaalada Muqdisho”, ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale wuxuu wasiirku sheegay in wadamada Djibouti iyo Guinnea ay soo diri doonaan waqti dhow guutooyin ciidamadooda ka mid ah kuwaasi oo ka qeybqaadanaya hawlgalka Amisom ka wado magaalada Muqdisho ee lagula dagaalamayo kooxaha mucaaradka ku ah DKMG ah.
Wasiirku wuxuu sheegay in qorshaha DKMG uu yahay in mudo kooban ay kula wareegto guud ahaan caasimada Muqdisho kana saarto xarakada Shabaab, iyadoo ay gacan ka geysanayaan ciidamada Midowga Afrika ee ku socda magaca Amisom.
Hadalka wasiirka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dawlada Burundi dhawaan Muqdisho ay keentey 1,000 askari oo hor leh kuwaasi oo ku biirey 4,400 askari ee Burundi ka jooga Muqdisho qeybna ka ah10,000 askari oo Amisom ka socota oo hadda ka dagaalameysa Muqdisho.
Wuxuuna hadalka wasiirka gaashaandhiga ee TFG soo baxay iyadoo rasul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in mudo saddex bilood ah xukuumadiisu ku korodsatay mudadii 100 maalin ahayd ee ay horey ugu qabsatay inay amaanka dalka ku soo celineyso.
this reminded me of the sticker of the car in front of me yesterday, "dont steal, the government doesnt like competition"

the hypocritical vested tfg disparaging the al fataaniin for doing something they are wholly entrenched in