Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

TFG farmajo in 100 days

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

TFG farmajo in 100 days

Postby FBISOMALIA » Mon Mar 28, 2011 7:11 am

Soomaaliya waxay sameysay horumar, laakiin kaligeed ma dhameystiri karto

W.Q: Maxamed C/laahi Maxamed, Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya

Boqol maalmood ayaa ka soo wareegatay markii aan qabtay xilka Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, munaasabaddana waxay fursad wanaagsan noo siineysaa inaan dib u eegno wixii noo qabsoomay dal ahaan.

Ka-shaqeynta badbaadinta shacabka waa howsha ugu muhiimsan ee xukuumadda, xilligan aan joogno waxaa socda weerarkii heerka qaran ee ka dhanka ahaa kooxda xagjirka ah ee dhibaatooyinka ka geysanaya dalkeena, iyadoo weerarradaasi ay hoggaaminayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, ayna taageerayaan Nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika.

Weerarrada kahor, Xukuumaddu waxay gacanta ku haysay 60% magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku nool yihiin 80% shacabka Muqdisho ku dhaqan, iyagoo badbaado iyo adeegyo aasaasi ah ku haysta. Weerarrada la qaaday waxay ballaariyeen aagga, mahadi ha ka gaarto dhiirranaanta, xirfadda, iyo naf-hurista ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Xukuumaddeydu waxay qabanqaabisay laba howlgal oo dib-u-heshiisiin ah oo laga dhex sameeyay kooxo ku dagaallamay gobollada dhexe, tan koowaad waxaa lagu joojiyay qalalaase ka taagnaa Galmudug iyo Puntland, iyadoo kan labaad uu xoogga saaray khilaaf ka taagnaa Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb. Iyadoo Xukuumaddu ay sii wadi doonto howlaha xal loogu helayo dhibaatada Soomaaliya.

Markii aan xilka qabanay waxaan is-beddelo ku sameynay qaab-dhismeedka xukuumadda, si ay u gudato waajibkeeda. Kaddib markii aan helnay oggolaanshaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaana magacaawnay Golaha Wasiirro cusub oo ka kooban 18 farsamo-yaqaano, iyadoo markii hore wasiirradu ahaayeen 39.

Dhinaca kale waxaa muhiimad siinay in la dhowro hantida dalka, lana dhaqangeliyo dhaqanka isla-xisaabtanka iyo hufnaanta. Xukuumaddeydu tallaabooyin waaweyn laga qaadday arrintaas, waxaana markii koowaad muddo 20 sano ah la sameeyay miisaaniyad qaran oo hageysa kharashka dowladda. Waxaa dib loo furay bankigii dhexe, waxaana la dhisay guddi la dagaallama musuq maasuqa, iyadoo la habeeyay nidaam isla-xisaabtan iyo hanti-dhowr ah.

Dakhligii naga soo galayay Dekedda wuu laba-jibbaarmay iyadoo kan naga soo galay Garoonkana uu afar-jibbaarmay, dakhligaasoo hadda loo istcimaalo sidii Ummadda loogu adeegi lahaa.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho ka socda olole nadaafadeed, dayactirka waddooyinka, isbitaallada iyo dugsiyada, iyadoo jidadka lagu dhajiyey nalal si loo soo celiyo bilicdii magaalada, waxaana Garoonka diyaradaha lagu sameeyay dib-u-habeyn, iyadoo la keenay qalabka lagu baaro alaabta, isagoo ku howlgalaya farsamada casriga ee garoomada caalamka.

Dhinaca kale la wadaa howl farsamo oo casri ah oo lagu diiwaangelinayo ciidanka, iyadoo ciidanka haatan si joogto ah u helaan gunnooyinkooda, iyadoo ay u dheer yihiin raashin iyo daryeel caafimaad kan dhaawacma ama jirada.

Sidoo kale waxaan soo saaray wargeys toddobaadle ah oo lagu magacaabo Dalka, kaasoo shacabka Soomaaliyeed dalka gudahiisa iyo dibeddiisa jooga ay si joogta ah uga helaan macluumaad, iyadoo Taleefishinka Qaranka uu hawada soo galay.

Waxaa la howlgeliyay astaanta internet-ka Soomaaliya ee .SO si ay u isticmaalaan dowladda iyo shacabkaba, waxaana la billaabay wada-xaajoodyo ku aaddan sidii fiilada internet-ka ee (Fiber optic) ee badda soo hoosteeda marta loo keeni lahaa dalka.

Haddii la eego mustaqbalka, Soomaaliya waxaa hortagan caqabado badan, tan ugu horreysa, waa sidii loo jabin lahaa mucaaradka xagjirka ah oo doonayo inay siyaasad khaldan ku soo rogaan dadkeenna, waxaana loo baahan yahay sidii dalka loo xasilin lahaa ciidan badan oo ka socda caalamka, tan labaadna waa abaarta ba’an ee ka jorta meelo badan oo ka mid ah dalka, taasoo ka dambeysa roob la’aan iyo jiilaalka oo dheeraaday, caqabadda saddexaadna waa sidii loo fulin lahaa mashruuc hub-ka-dhigis iyo dhaqan-celin ah. Dhallinyaro badan ayaan weligood arkin waxa ay nabad tahay muddo 20 sano ah, kuwaasoo u baahan in bulshada dib loogu celiyo taasoo ah mustaqbalka fog oo ay tahay in hadda la sii billaabo.

Saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaan horumar weyn ka sameynay sidii loo gaari lahaa mustaqbal nabad leh, bilaha soo socda waxaanu ku dadaali doonnaa sidii caqabadahaas looga gudbi lahaa, hase yeeshee arrimahaasi, Soomaaliya oo kaligeed ma sameyn karto, waxaan u baahanay talooyin, dhaqaale iyo garabsiin adduunka intiisa kale, qof kastana kaalinta uu ku leeyahay ka qaato dib-u-muuqashada Soomaaliya iyo siday u guuleysan lahayd.

Xukuumaddeydu waxay muujisay isbeddel lataaban karo, waxaana ugu baaqayaa dhammaan dadka niyada-wanaagga leh inay nagalaqeybqaataan sidii loo abuuri lahaa mustaqbal nabadeed, xasillooni iyo barwaaqo ay gaaraan shacabka Soomaaliyeed.
good words from farmajo...... regarding puntland and galmudug we fix our own promblem by inviting them to garowe and tfg didnt do nothing so what he talking about ...???

second thing whats mean (-jibbaarmay ) when he was talking about income money or tax to his goverment ...!!!!

At the end i give farmajo for his job 7-10 :som: :up:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 77 guests