Midkaan waa ka duwan yahay Juabaland waxaan marjaha u hayaan filaya ogadeen mix majeerteen. Sidaas oola socda.Kn: Shirkii ka socdey ka socdey Kenya ayaa waxaa lagu ansixiyey qeybo ka mid ah dastuurka uu yeelanayo maamulka loo dhisayo Jubbooyinka iyo Gedo
Waxaa ka mid ah in maamulkaasi lagu magacaabayo Azania State of Somalia, magaalo madaxdiisana ay noqoneyso Bu’aale oo ah xarunta Jubbada Dhexe , waxaa kaloo la ansixiyey astaanta calanka oo ka koobnaanaya midabo Madoow, Guduud iyo buluug oo uu dhexda kaga yaalo xayawaanka Maroodiga
Shirkii furitaanka ee Shallay ayaa waxa uu ahaa mid kasoo qeybgalkiisa uu aad u sareeyey , ka sokow ergada 3-da boqol ee qof ah ee shirka ka qeybgalaysa ee aduunka daafihiisa iyo gudahaba ka timid, waxaa sidoo kale ka qeybgalay gudoomiye ku xigeenka midowga Afrika, madaxa AMISOM, Saraakiil Igad ka socota, Midoowga Yurub iyo Maraykanka