Ahlusuna oo diiday Shirka Kenya,kuna baaqday Shir ay ku qabaneyso Cabudwaaq.
Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa si weyn uga soo horjeesatay shirkalagu wado inuu ka furmo Magaallada Nairobi ee dalka Kenya,waxaana ay sheegeen inay taageersan yihiin fikirka diidmada ay shirkaasi ka muujisay dowlada Somalia.
Madaxa Arimaha Bulshada Ahlusuna Waljameeca Shiikh Mahad Khaliif Rooble oo maanta qadka telefoonka ugu waramayey Warbaahinta isaga oo jooga Magallada Cabudwaaq ayaa sheegay inaysan marna aqbaleyn ka qeybgalka shirka lagu wado inuu ka furmo dhawaan wadanka kenya,iyaddoo uu wakiilka Qaramada Midoobay Mr,Mahiga uu sheegay inay Ahlusuno qeyb ka tahay garabyada shirkaasi lagu casumay.
...
Shiikh Mahad ayaa sheegay inay horey magaallada Cabudwaaq ugu qabteen shir weynihii ahlusuna waljameeca kaasi oo socday mudo bil ah,isagoona intaasi ku daray inuu shirkaasi ahaa mid ku dhamaaday waji nabadeed,ayna kasoo baxeen nabada ay ku nool yihiin dadka gobolada dhexe, shirkaasi ayuu ku sheegay inuu ka madaxbanaana gacmo shisheeye,sida kan iminka uu Mahiga ku wado inuu ku qabto wadanka Kenya.
Go’aanka kasoo baxay Maamulka Ahlusuna Waljameeca garabka Gobolada Dhexe ayaa noqonaya garabkii labaad ee kasoo horjeesta ka qeybgalka shirkaasi,waxaana horey shirkaasi u diiday Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Farmaajo,iyadoo Ahlusuna Waljameeca iyo Dowladaba si wada jir ah loogu casumay inay ka qeyb galaan shirkaasi.
http://www.somaliweyn.org/pages/news/Apr_11/9Apr26.html






