Kooxda Al-Shabaab Oo Cabsi Badan Ka Abuurtey Casimda Somaliland
Amaanka Hargeysa oo caawa aad loo adkeeyay iyo
cabsida kooxda Al-shabaab laga qabo oo aad u soo
badanaysa
Hargeysa(Qaran news)-Amaanka magaaladda Hargeysa ayay
Ciidamadda Amaanku aad u adkeeyeen kadib markii ay
dareemeen dhaqdhaqaaq ay Somaliland gudaheeda ka
wadaan kooxo si qarsoodi ah u soo galay oo laga cabsi
qabo inay weeraro geystaan.
Ciidamadda Taraafiga oo markii ugu horeysay ku
hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa kale ee Booliiska
ayaa taagan isgoys kasta oo ka mid ah jidadka waaweyn
ee Hargeysa, waxaanay baadhayaan gaadiidka iyagoo qof
qof u eegaya wajiyada dadka saaran isla markaana
weydiinaya sharciyadooda.
Ilaa hada xukuumada iyo Saraakiisha Amnigu si rasmi
ah ugamay hadal xaalada soo korodhay nooca ay tahay
hase yeeshee Taliyaha Booliiska ayaa ka hadlay gaadhi
UN ku leeyihiin oo Nambarka laga furtay, kaasoo looga
shakisan yahay in ay ka furteen Kooxda Al-shabaab oo
la filayo inay ka soo firxadeen dhinaca Somaliya.
Sh Aadan X Maxamud “Aadan Siiro”, ayaa qudbadiisii
shalay Jimcihii uu Masaajidka Xawaadle ka Akhriyay
inay jiraan wadaado badan oo in muddo ah dalka ka
maqnaa inay soo galeen isagoo Sirdoonka ku eedeeyay
inaanay waxba kala socon dhaqdhaqaaqooda isla
markaana tilmaamay inay hoos u dhacday xirfadii
Sirdoonku kadib markii ay maamulka talada hayaa ka
eryeen shaqadaasi dadkii xirfada sare u lahaa.
Waxa iyana ay sheegayaan wararka kale ee
magaalooyinka dalka laga helayaa inay kooxahaasi
iyagoo feeraarsan ay ku soo baaheen gobolada dalka
gaar ahaana Burco iyo Hargeysa isla markaana ay isku
dhererinayaan dhinaca xeebaha iyagoo dhuumaalaysanaya
sida la sheegayna qaarkood waxa ay kaba gudbayaan
dhinaca badda.
Si kastaba ha ahaatee dagaalo culus ayaa kooxda Al-
shabaab ku qabsaday koonfurta Somaliya oo ay aad ugu
xoog badan yihiin inkastoo ay caawa qabsadeen
magaaladda Dhuusa-mareeb oo ah goob istaraataji ah oo
la filayo inay doonayaan inay uga soo gudbaan dhinaca
Puntland si ay iskugu soo balaadhiyaan dhulka
buuralayda ah ee Silsilada Golis
Waaheen




