Madaxweynaha Puntland oo eedeeyey DFKMG ah
29 Apr 29, 2011 - 10:52:51 AM
GAROWEONLINE
Madaxweynaha dowlada Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh.Max'ed Max'ud Faroole ayaa ku eedeyey Dowladda Federalka ee Soomaaliya iney ka lug ku leedahay dilalkii qorsheysnaa ee maamihii lasoo dhaafey ka dhacayey deegaanada Puntland isagoo sheegey iney jiraan siyaasiyiin ku fashilantey wax ka qabashada xaaladda cakiran ee dalka islamarkaana diidey iney ka qeyb-galaan shirarka looga tashanayo aayaha umadda Somalia kuwaa oo doonaya iney abaabulaan xasillooni darro ka dhalata Puntland.
''kuwaas waa kuwo la og yahay, waa dad doonaya in Puntland aysan dagin kuwaa oo ku fashilmay siyaasadda Soomaaliya'' Somaliyana ay ku khasartay dib u heshiisiinta inta ay diideen ayey donayaan madaxtinimo'' laguna ilaaliyo guryo iyo taangi gudihiisa Madashii wadahadal ee la isugu yeerona aan imaaneyn hadana raba madaxtinimo sharci daro ah'' sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Dowladda Puntland oo saxaafadda kula hadley magaalada Bossaso.
Madaxweynaha Puntland aya waxa uu sheegey inuu ka xun yahay dadka ku fakaraya iney qalalaaso ka abuuraan goobta kaliya ee ka xasilloon dalka islamarkaana ay Soomaali farabadan ku nool yihiin waxaana uu intaa ku darey iney ka hortagayaan dhibaatooyinka ay doonayaan iney ka abuuraan gudaha Puntland kooxahaasi u adeega cid aan la aqoon.
Mudane Faroole ayaa dhanka kale waxa uu soo hadal qaadey Jabhadda SSC oo uu tilmaamey iney haatan baaba'dey laakiin markii horeba loo aasaasey dhibaato iyo khalkhal ay ka abuurto deegaannada Puntland hayeeshee ay ku guul darreysatey.
Waxaa kaloo uu sheegey Madaxweynuhu in dowladda Fedralka ah ay maalgiliso kooxda SSC si ay khalkhal iyo dhibaatooyin amni darro uga geystaan deegaannada Puntland ee xasilloon.





